Daawo Madal Ilyartu is Qabatay oo Musharaxiinta Is Bahaystay Ee Dhinaca Ahi Go’aamo kaga Dhawaaqeen.

Hargeisa(GNN):-Isbaheysiga musharixiinta xisbiga Kulmiye ayaa waxaa ay maanta kulan qado sharaf ah ay iskugu yimaadeen hotel Crown ee magaalada Hargeysa. Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiradii dhawaan iska casilay xukuumada madaxweyne siilanyo , Musharaxiinta Cabdicasiis Samaale ,Xildhibaan Kijaandhe , Maxamed Biixi Yoonis , Tagerayaasha Masuulyiintan , Xubno Ka Socdey Golaha Dhexe Iyo Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye , Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo masuulyiin kale .

3(561) 4(524) 5(460) 6(420) 7(358) 12(220) 13(191) 14(162) 19(87) 22(133) 23(63) 25(53) 26(43) 27(39) 28(31) 29(31) Ugu horeyn waxaa munaasibadan ka Hadley xildhibaan Waabeeye isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye waxaa uu sheegay in khilaafka xisbiga kulmiye uu marayo meel aad u adag waxaana uu madaxweyne siilanyo ku dar daaray in uu khilaafkaasi dhex ka noqdo isla markaana aanu xisbigu noqon mid burbura Sidoo kale waxaa iyaguna madasha Ka Hadley Musharixiinta Maxamed Biixi Yoonis , Xildhibaan Kijaandhe , Iyo Cabdicasiis Samaale waxaa ay dhamaantood sheegen in ay rabaan in shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu noqdo mid si cadaalad ah u dhaca isla markaana ay ka digayaan cadaalad daro ka dhacda shirkaasi oo ay sheegen in ay sabab u noqon karto burbur ku yimaada xisbi xaakimka kulmiye Musharaxiintan ayaa waxaa madaxweyne siilanyo ugu baaqeen in uu dhex ka noqdo arinta xisbiga kulmiye isla markaana uu cabashadood dhageysto . Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xassan oo isna madasha ka yidhi hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa uu Xusay in iscasiladii wasiirada xukuumada ka baxay ay aheyd mid ay caqiligooda ka timid isla markaana ay ku rabeen in ay xal ugu halaan khilaafka xisbiga kulmiye Sidoo kale wasiir xirsi waxaa uu sheegay in madaxweyne siilanyo uu ugu mahad naqayo mudadii ay wada shaqeenayeen isla markaan uu ugu baaqayo in uu madaxweynu arinta xisbiga kulmiye aanu dhayalsan isla markaana uu go,aan labada dhinacba ku qancaan uu ka qaado .

 

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News network