Geeri Naxdileh iyo Garab Go’ay Saxaafada.Qalinkii:Wariye Cabdilahi Maxamed Cali

Murugaduse waxa tahay geerida Cawke waa garab-go’ay saxaafada oo aan goobtiisa la buuxin karin, guyaal badana codkiisii iyo habkiisii saxafinimo inaga sii guuxi doono.Baroor-diiqda geerida Cawke.Allah u naxariistee warkii geerada naxdanta ahaa ee ruug-cadaagii cod-karka, hadal-deeqsiinta iyo gudbinta baahineed ee idaacadeed Alle hibada u siiyey, waxa ay waax weyn goysay bahda saxaafada iyo umad weynta Soomaalida oo runti la odhan karo Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cawke waxa uu u ahaa wariye aan cid kale la wadaagin hibo gaar ah oo uu ulahaa tabinta idaacadeed iyo hawraarta uu tabin jiray.

Codka iyo farshaxanimada ku jirtay qaab baahineedkii u gaarka ahaa waa mid aan marna qof kale keeni karan, waxase uu inooga tagey dhaxal qofkastoo wariye noqonayaa ama ah imikaba uu isku dayo in uu dheego, kana qiyaas qaato qaabkii codka toolmoon iyo codkii doob-buuxda ahaa.

Marxuun Cawke waan ku garaadaystay isagoo idaacada Rado Muqdisho marka uu soo galo codkiisu qofkastoo dhageysanayaa uu si dheeraada u dhageysto. Waxa ciyaalnimadaydii xusuustaa tiiyoo lagu odhan jiray qofkii hadla Cawke oo war ka soo jeedinaya idaacada ama xayeysiis, ‘Cawke ayaa hadlayee naga aamus aanu dhageysanee’

Aniga, C/laahi ahaan oo ay iigu horaysay in aan qaab wariye wax u tabiyo sanadkii 1997-kii anigoo ku sugan magaalada Toronto  ee dalka Canada, mar aan duubayey cod aan ku duubayey cajalad fiidyow (video) noocii la odhan jiray SVHS, qofkii maskaxdayda ku soo dhacay waxa uu ahaa Alle ha u naxariistee Cawke, waxa aan qadar is weydiiyey ma isagii oo kale ayaad u cod eeg kaan, markiise aan dib isku dhageystay waxa aan naftayda u sheegay in uu jiro wariye aan ku daydo oo aan ka dheego sida uu u-hab-dhaco hadalku marka qaab wariye loo tabinayo.

Cawke, waxa uu ahaa macalin, waxa u dheerayd sida madadaalad oo kale wax u tabiya, markay noqoto qaabka deg-dega oo haddana uu ku jiro cod deggan oo dhaguhu ay badiyaan dhugashada iyagoo aan meel kale la socon, ayaa u astaan ahayd. Alle qabriga ha u nuuree waxa Cawke aan kula hadlay khadka telefoonka todobadkii ugu dambeeyey bishii hore ee Oktoobar ee sanadkan, xili uu ii sheegay in uu joogo Hargeysa, qadar ayaanu wada sheekaysanay, waxa ay aniga ii ahayd qadarin weyn oo aan u hayey xidhiidhka aan la sameeyey Cawke, waayo waxa uu ii ahaa macalinkii aan ku garaadsaday, walibana aan hiigsan jiray sidii hufnaanta, haybada iyo hanaanka wanaagsan ee uu waxa u tabin jiray.

Sanadkii 2002dii , waa 13 sano ka hor ayey fursadii aan Cawke qof ahaan kula kulmo ahayd magaalada Hargeysa xili idaacada FM ta ay BBC- Somali furitaankeedii u dabaal-dagayso. Cawke iyo wariyeyaashii iyo madaxdii BBC-da oo wada daganaa Hotel Maansoor, waxa ay ii noqotay fursad aan Cawke oo aanan waligey soo horfadhiisan aan kulan kula yeesho. Kulanku waxa uu iiga dhignaa sidii nin Cawke-hii uu ku dhageysan jiray idaacad oo markan sidii soo kale si xiiso leh u dhegaysanaya. Xidhiidh hore oo toos ah lama lahayn, waxase uu haddana ii ahaa qof aan aqaanay sanado badan oo muuqiisu iidhinaa in aan arko oo kali ah.

Cawke Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa shaqsi hadalkiisu u nidaamsan yahay sidii oo uu idaacad ka hadlayo, kaftanku u dheer yahay. Waxa waliba aad ii soo jiitay isbarashadayadii kadib , waxa uu daqiiqado gudahood iila macaamilay sidii qof uu yaqaanay sanado badan. Mudadii dhawrka cisho ahayd ee diyaar garowga xafladii BBC-Somali ee FM ta oo aan Hotel Maansoor ku kulmaynay waxa ii soo baxay in Cawke ahaa shaqsi farxadeed, kaftan badan oo waliba haddii cid kale qosli weydo uu isagu yahay ka had iyo goor dhoola cadeeya.

Kulankaa Hargeysa ee Cawke, waxa ii soo baxay shaqsiyada Alle ha u naxariistee Cawke oo codkiisii oo kali ah oo aan ku aqaanay mooyee, muuqiisii iyo isagoo i horjooga midna aanay hore u dhicin.  Cawke waxa uu ahaa qof aanad ku ag-caajisayn., oo aad moodayso in aad wali ka dhegeysanayso barnaamij idaacadeed reedhyow ka baxaya oo kale.

Codkii buuxin jiray codlaliyaha (makarafoonka) iyo sameecada laga dhegeysto ee Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cawke waxa uu sidoo kale cugi jiray dhagaha maqlaya, waxaana si weyn u dhageysan jiray maanka ruuxa ay ka agbaxayso sameecada uu kodka Cawke ka yeedhayo.

Alle qabriga ha u nuuree, Axmed Xasan Cawke waxa uu noqday astaanta wariye idaacadeed, mid muuq ama dhageysi, waxa u ku suntanaan-doonaa isagoo aan ifka inala joogin wariye sida Soomaali u taqaanay, ee uu caan u noqday aan mid kale halkiisii badalayn, waxa codkiisii iyo hanaankii tabineed ee aan cidi la wadaagin ay tahay mid aan cidi dabadii yeelan karin. Cawke oo nasiib u helay in uu wariye aan halkiisii ka bixin in uu 3 saman oo kala ah samankii Soomaali-weyn midnimadeedii lagu tiraabi jiray ee 1970-dii, kii dhimashadii himiladii ee xiligii dambe ee Kacaankii Jeneral Max’d Ciyaad Barre iyo xiligan ka dambeeyey saxaafada madaxbanaan ama gaarka loo lee yahay soo baxday. Intaba Cawke looguma iman halkii uu kaga jiray saxaafada.

Murugaduse waxa tahay geerida Cawke waa garab-go’ay saxaafada oo aan goobtiisa la buuxin karin, guyaal badana codkiisii iyo habkiisii saxafinimo oo inaga sii guuxi doona

Alle qabriga ha u nuuro, su’aashana ha u fududeeyo, Jana-fardowsana ha ka waraabiyo. Aamin aamiin, aamiin.

Qore: Wariye Cabdilahi Maxamed Cali

London, UK

 

CODKII ALLAHA U NAXARIISTEE WARIYE AXMED XASAN CAWKE: