Gudida Joogta Ee Golaha Guurtida Oo Kulan Layeelatay Gudida Doorashooyinka Somaliland,Kana Warbixiyay Diwaan Galinta.

Hargaysa(GNN)Gudida Joogta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Xog Waran ku saabsan Diwaan Galinta Codbixiyayaasha halka ay u Marayso Komiishanka Doorashooyinka Ka Dhagaystay Guddoomiyaha Iyo Afhayeenka,Waxaana ay Guurtida ugu ibo-Fureen in ay Keneen Qalabkii Diwaan Galinta Ee Kaantaroolayay in ay Dadku Laba Jeer is Diwaan Galiyaan.

Cabdi Qaadir iimaan Guddoomiyaha Komiishanka Somaliland ayaa Cadeeyay in Ay ku rajo wayn yihiin in Ay diwaan Galinta ka Bilaabaan Miyi iyo Magaalaba Waliba ay Awooda Saari Doonaan Miyiga Taas oo Socon Doonta Mudo Bil ku siman.

“Maanta waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diwaangalin laba goor la galo. Sababta aanay u dhacayni waxa weeye qalabka oo mid bu’da isha ayuu sawirayaa iyo wajiga oo labadaas arrimood ayaa is barbar yaala. Bu’da isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galay diwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn 5 seken ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diwaangaliyay,” ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanku.

Afhayeenka guddida Siciid Cali Muuse oo isna xog waranka qayb ka ahaa ayaa sheegay in hore ay u xumaadeen diwaangalinno dalka laga qabtay balse hadda ay doonayaan in diwaangalin dhaxal gal ah ay sameeyaan.

“Waxaanu doonaynaa dalka inaanu ka samayno diwaangalin dhab ah oo qofka da’da 16-ka taagan u suuro galinaysa inuu is diwaangalin karo, oo qofka wiil iyo gabadhba maalinta doorashada haddii da’diisu gaadho 16 u suuro galinaysa inay maalintaas codkooda bixin karaan, taasina waa mid qalabka casriga ahi suurto galinayso oo uu odhanayo qofkaasi waa mid maalinta doorashada ama maalmo ka hor 16 jirsaday.

Xildhibaanada Guurtida ayaa su’aalo Tiro Badan oo diwaan galinta u badan waydiiyay Afhayeenka iyo Guddoomiyaha Kuwaas oo Xildhibaanada u Bal-balaadhiyay una Jilciyay Erayo ay U jid wayeen,waxaana ay xildhibaanadu ku amaaneen komiishanka inta ay xilka hayeen in ay ku talaabsadeen horumar ifaya,iyaga oo dadaalna ugu jira in ay qabtaan doorasho xor oo xalaal ah oo cid walba qancisa.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE