Madaxwayne Hadaad Maanta si Cad u Tidhi Kursigii Musharaxnimadda Kulmiye Waxaan Siiyay Habar Awal, Arabna Anaa u Diiday Wixii Halkaas ka Yimaadda Adaa Qaadaya Masuuliyadeeda” Axmed Cali Muuse”

Hargeysa (GNN) Gudoomiyaha qarshaynta ee ururka Beelaha ARab ee (af garad) Mudane axmed cali muuse fariin iskugu jirtay baaq iyo digniin u diray madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo

gudoomiyeAxmed Cali Muuse oo Khudbad Ka Jeediyay Shir Jaraa’id oo Waxgaradka Beelaha Arab Ku Qabteen Maanta Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu yidhi:

gudoomiye

madxaweynaha waxa loo doortay xil uu qaranku leeyahay masuuliyaduna ka saaran tahay waxa loo bahan yahay in uu guto waajibaadkii iyo masuuliyaadi madaxweynimo ee uu qarankani leeyahay .

ma aha in uu cid madxaweyne uu ahaado kursigu ku faadhiyana qaranka iska leh, kursiga xisbiga ee loo tartamayo qaranka iska leh , hadii uu qoleeyo isaguna qolo ayuu noqonaya

dalku waa reero aan la ictiraafin waxa jira diwaan siyaasadeed oo somaliland leedahay ayaa jira tartanka xisbiga kulmiye galeen oo laba nin oo tartama oo cod ay ku kala hadheen ma jiro waxa ay beeluhu isla soo gartaan ee la wafajiiyo ayuunbaa nin loo caleemo saari jiray .

waxa aanu ku sheegaynaa madaxweyne in aad cadaaladda ku soo noqoto oo aanu maantana nahay cida xaqa u leh sida uu dhigayo diwaan ka siyaasadeed in kursiga sidii lagugu tumay ee lagugu fadhiisiyay naloogu fadhiisiyo waxaan ku leenahay dadka dhex uu noqo , qarankana dhibaato ha uu keenin .

ninkan muuse biixi la idhaadana haduu isiida kugu badiyay waxay yidhaahdaan reer miiyigu ninka kugu badiya ceesan isii ceesan baa la siiya tuulahan ma gaadhsiyo reerkana ma gaadhsiyo horta muuse waxaad siisay waa ceesan siyaasadeed waa in aanu moodin inaad wax siisay ee uu garto inaad ceesaan siisay .
hadaba madaxwayne hadaad maanta si cad u tidhi kursigii musharaxnimadda kulmiye waxaan siiyay habar awal arabna anaa u diiday wixii halkaas ka yimaadda adaa qaba madaxwayne

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE