Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Tanaasulkiisu Tusaale U Yahay Madaxda Siyaasada Somaliland Ee Mustaqbalka.

Hargeysa(GNN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay go’aanka uu kaga tanaasnulay inuu mar labaad isu sharaxo madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa furitaankii shirkii KULMIYE ee golaha dhexe kaga dhawaaqay inaanu mar labaad u tartamayn madaxweynaha Somaliland, taas oo ahayd sheeko ay shacabku muddo dheer sii faalaynayeen. Haddaba farriin kooban oo lagu qoray barta twitterka ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa lagu sheegay in madaxweynuhu rajaynayo in go’aankaasi tusaale u noqdo madaxda siyaasadda Somaliland ee mustaqbalka. “Waxaan rajaynayaa in go’aankayga ah inaanan mar labaad tartamin uu tusaale u noqon doono hoggaamiyayaasha mustaqbalka Somaliland.” ayaa lagu yidhi qoraalkaas.

Lama garan karo in hadalkan lagu qoray barta Madaxweyne Siilaanyo yahay mid xikmadeed oo ujeedo leh iyo inuu yahay hadal la baahiyay oo keliya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa mawqifkan tanaasulka ah cadeeyay toddobaadkii hore, waxaanay bulshada Somaliland sannadkii u dambeeyay aad u hadal hayeen murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo. Sidoo kale saxaafadda Somaliland ayaa aad u baahisay inaanu Madaxweyne Siilaanyo tartan dambe ka qayb geli doonin, laakiin masuuliyiinta xukuumadda ayaa warkaas beenin jiray.

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE