Daawo:-Masuuliyiinta Dawlada Hoose Caasimada Hargeisa Ayaa Maanta Kulan La Qaatay Gudiyada Degmooyinka Magaalada.

Hargeisa(GNN):-Kulankan oo la Xidhiidha Xog-waranka todobaadlaha ah ee u dhaxeeya bulshada iyo masuuliyiinta caasimada hargeisa, waxaana dhammaanba kasoo qayb-galay gudiyada kaladuwan ee degmooyinka caasimada hargeisa, halkaas oo ay su’aalo kala duwan ku waydiinayeen masuuliyiinta dawlada hoose caasimada hargeisa, oo uu ugu horeeyo maayirka caasimada mudane c/raxmaan soltelco, maayir ku xigeenka caasimada mudane C/casiis Maxamuud cagaweyne, xoghaya dawlada hoose Ibraahim Axmed Raabi, waxaana halkaasi gudida kala duwan ee kasocday xaafadaha caasimadu ka hadleen dhammaan xaalada ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan xaafadahani iyo baahiyaha ay u baahan yihiin, waxaana baahiyaha ugu waaweyn shacabkan soo jeediyeen in wax looga qabto, ayaa kamid ahaa dhismaha dhinaca wadooyinka, hagaajinta iyo ururinta qashinka, ilaalinta amniga iyo lasocodka dhinaca adeega caafimaadka. Halkan Ka Daawo