Wasiirka Wasarada Warshadaha Iyo Wasiir Ku Xigeenka Amniga Oo Si Lama Filaana Ku Tagay Wajaale iyadoo Wali Uu Taagan yahey Muran ka Taagan Magaaladaasi.

Wajaale(GNN)Wasiirka Wasarada Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye Ayaa Si Lama Filaana Ku Tagay Dagmada Wajaale Kadib Markii Mudooyinka Danbe ay Jirtay Muran Ba,an oo u dhexeeya Gudoomiyaha Wajaale iyo Qaar kamida Ganacsatada magaaladaas

Waxay aheyd maalin dhaweyd markii ay yimaadeen dhawr wasiir oo uu hor kacayayey wasiir warancade, si loo xaliyo arintaa laakiin sida muuqata wali arintan xal waara laga gaadhin.

khilaafka ayaa dadka qaarkiis ku eedeynayaa inuu ka imanayo masuuliyiin sare oo la sheegey iney faro galin ku hayaan maamulka wajaale.

dhinaca kale wakhti dheerba kama soo wareegin markii uu xilka la wareegey gudoomiya wajaale, iyadoo lawada ogyahey in Gudoomiyihi hore ee Wajaale Mudane Xaashi uu xilkaa hayey muddo dheer.

waxii wara ee kasoo kordha kala soco Gabiley.NET

 

Gabiley.net

Wajaale office