War Deg Deg:- Alle Haw Naxariistee Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin (Ibraahin Dheere) Oo Ku Geeriyooday Magaalada Djabouti.

Hargeisa(GNN):-Alle haw naxariistee waxa  caasimada dalka jamhuuriyada Djabouti ee Djabouti ku geeriyooday maanta ganacsadihii waynaa ee Ibraahin Cabdi Kaahin oo ku magac dheeraa (Ibraahin Dheere) oo ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn wadanka Djoabuti, waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeeday somaliland, waxaanu ka mid ahaa ganacsatada somaliland.

Alle haw naxariistee marxuunka ayaa lagu aasi doonaa caasimada wadanka Djabouti.

Dhamaanba maamulka iyo shaqaalaha shabakada Gabiley news waxay tacsi gaadhsiinayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaanba shacabka somaliland iyo shacabka Djabouti ka tacsidaynayaan geerida Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin, waxaanan ilaahay uga baryeynayaa inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo , qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii, asxaabtii iyo Dhammaan Umada reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuumku