Daawo:-Wasiirada Iyo Wasiir Ku Xigeenada Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Maanta Xilkii Kala Tirsaday.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland mudane c/laahi ibraahim habane ayaa Maanta Xilkii Kala Wareegay wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole, sidoo kalena waxa halkaasi xilkii kula kala wareegay wasiirku xigeenka cusub ee wasaarada waxbarasha iyo wasiirku xigeenkii hore ee wasaaradaasi ayaa maanta ka qabsoontay hotel saxafi ee magaalada hargeisa
waxaana xafladaasi oo aad u balaadhnayd ka soo qayb galay xubno ka kala socday hayedaha caalamiga ah, ururada bulshada, bahda waxbarashada, golayasha qaranka ee barlamaanka, axsaabta xisbiyada qaranka, iyo bulshada rayidka ah oo aad u tiro badan

GeedooleC.laahi-Ibraahin-Habane
waxaana munaasibadan haddalo ku taxaluqa xilwareejinta masuuliyiiintan la wareegaya iyo kuwii hore halkaasi kasoo jeediyey agaasimayaasha kala duwan ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare somaliland iyagoo ku dheeraaday hawalaha shaqo ee wasaaarada iyo sidii wanaagsaney ee ay usoo wada shaqeeyeen wasiirka maanta xilka wareejinaya prof faarax cilmi geedoole, waxaana ay wasiirka cusub ee xilka la wareegayey mudane c/laahi ibraahim habane ku Kusoo dhaweeyeen gacmo furan iyo inuu yahay nin aqoon iyo waayo aragnimoba u leh dhinaca maamulka iyo waxbarashada islamarkaana wakhti dheer kasoo shaqaynayey dhinaca nabada iyo dhexdhexaadinta bulshada ee golaha guurtida jsl

 

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Axmed Almis