Wasiirka Iyo Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Xilalkii La Wareegay + Sawirro.

Hargaysa(GNN):-Wasiirka cusub iyo wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa maanta xilkii wasaaraddaasi kala wareegay wasiirkii iyo ku xigeenkiisi hore, iyada oo munaasibada xil-wareejintu ka qabsoontay hoolka xarunta dallada dhallinyarada ee SONYO.
11010616_534511076713047_4079579736914224681_n

 

Munaasibadan xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jiray wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin, marti-sharaf iyo shaqaalaha wasaaradda. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu wasaaradda ciyaaraha ku soo dhaweeyey wasiiradda cusub ee
xilka wasaaraddaasi la wareegay sidoo kalena waxaa uu sharaxaad ka baxiyey baaxada iyo wax-qabadka wasaaraddaasi waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Wasaaraddani waa wasaarad runtii aad iyo aad u baxaad weyn waa wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha waxaana aynu ka wada war qabnaa in boqolkiiba toddobaatan (70%) bulshadeenu ay dhallinyaro tahay, cida ugu horeysa ee u adeegta waa wasaaraddan waxaana maanta farxad weyn dhamaanteen u ah in wasaaraddan oo la aasaasay sannadkii 2000 in maanta uu xilkeedii uu wareejo wasiirkii 7-aad, halka uu wasiir xigeenkii 3-aad uu isna xilka la wareegayo”.

“Wasaaraddani marxalado kala duwan ayay runtii soo martay waxaana ay wasaaraddu ka kooban tahay shan waaxood oo kala ah dhallinyarada, ciyaaraha, dalxiiska, maamulka iyo qorshaynta oo muddadii ay xilka hayeen masuuliyiintani ay waaxdani unkantay. Wasaaraddu waxay ka shaqaysaa oo xafiisyo ku leedahay dhamaanba gobollada iyo degmooyinka Somaliland” ayuu ku soo koobay Agaasime Dhabeeye.
12043125_534506733380148_7715656998203151870_n

Dhanka kale waxaa iyaguna madasha hadalo kooban ka yidhi oo dardaaran iyo dhiiri-gelinba u badan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimaha dallada SONYO iyo masuulyiintii kale ee ka qeyb-galay, waxaana dhamaan ay masuuliyiinta xilalka la wareegay ILAAHAY uga baryeen in xilkaasi ku asturo isla markaana wasiiradda xilka wareejiyayna iyagana ILAAHAY xilalkooda cusub ku asturo.
Wasiirkii hore iyo ku xigeenkiisi ee wasaaradda ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin iyo Md. Yuusuf Cismaan Garas oo madasha ka yidhi hadalo kooban oo soo dhaweyn u baddan ayaa waxa ay masuuliyiinta xilka wasaradda loo magaacaabay ay ku soo dhaweeeyeen wasaaradda waxaana ay madasha ka sheegeen wax-qabadka wasaaradda muddadii koobnayd ee ay xilka hayeen, waxaana ay sidoo kale masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda uga mahad-naqeen sidii kartida iyo daacada lahayd ee ay ula shaqeeyeen.
11057730_534507676713387_1432357232744348234_n

Gabo-gabadii waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka iyo ku xigeenkiisa cusub ee wasaradda ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, waxaana ay sheegeen inay ILAAHAY ka baryayaan in xilalka ku asturo, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii ay hore ugu sii wada lahaayeen guulaha ay gaadhay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyagoo sidoo kalena Madaxweyne Silanyo uga mahad-naqay xilalkoodan cusub.

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE