Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Daad-Madheedh Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Loo Magacaabay.

Hargeysa( GNN)Badhasaabka Cusub ee loo magcaabay Gobolka Daad-Madheedh ee xaruntiisu tahay Oodweyne Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa ka dareen celiyay xilka loo magcaabay, wuxuuna uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu u magcaabay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Daad-madheedh. Dr. Axmed, wuxuuna isagoo ka hadlaya dareenkiisa xilka loo magacaabay mar uu khadka isgaadhsiinta kula Soo xidhiidhay Gabiley.net yidhi.

“Waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu ii magacabaay markii uu arkay CV-gayga, isla markaana Aqoontayda iyo waaya-arag-nimadaydaba ee ku qancay inaan hanan karo xilkaa, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu Xilka igu asturo”.

Dr. Axmed Naasir, wuxuu sheegay inuu horeba u ahaa shaqaalle Dawladeed, deegaanka loo magacaabayna uu yahay Gobol Balaadhan oo Xoollaha iyo Beerahaba caan ku ah, isla markaana aanu ku cusbayn oo uu hore uga shaqeeyay aqoon fiicana u leeyahay, isagoo yidhi.

“Marka horeba shaqaalle dawladeed ayaan ahaa, deegaanka lay magacaabayna waa deegaan Balaadhan oo Xoollaha iyo Beerraha caan ku ah, waana ka soo shaqeeyay oo iguma cusba. ayuu yidhi, Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Daad-madheedh.

Masuulkan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Guddoomiyaha Gobolka, ayaa hore xilal uga soo qabtay wasaaradda Caafimaadka Somaliland, gaar ahaan Cusbitaalka TB Hospital, wuxuuna waqtigan ka mid ahaa saraakiisha mid ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland, isagoo Aqoon fiican u leh Maamulka iyo Maaraynta, xalinta Khilaadka qorshaynta mashariicda, Wacyigelinta iyo Horumarinta Bulshada.

GABILEY.net

gabiley office