Cabasho ba,an Oo kataagnayd mudooyinkii U Danbeeyay degmada togwajaale tan iyo intii Maamulkan Cusub Lasoo Magacabay dagmada Togwajaale

Togwajaale(GNN) Cabasho ba,an ayaa kataagnayd mudooyinkii udnbeeyay degmada togwajaale tan iyo intii maamulkii hore emagaaldasi khilaafka ba ani kadhexqarxay sidoo kalena Mamulka tunkawaawaynle ee haatan xilka lawareegay oo Loga Fadhiyo Inay Wax Ka Qabtaan Dhaliilaha Baahsan Ee Dul Hoganaya Iyo cabashada soo jiitamasay ee kajirtay gudaha magaala xuduudeedka togwajaale Taasi Oo Bulshada Reer Wajaale ay Baahi wayn U Qaban Sidii wax Loga Qaban lahaa
Arimahasi Waxana U Baahan In Sida Ugu Dhakhsana Badan Wax Loga Qabto Ayaa ah Adeega Nadaafada Waxbarashada Biyaha Iyo Dhamaanba Adeegyada Arimaha Bulshada Oo Aan Haba Yaraate ayna waxba Ka Qaban Maamulkani Ilaa wakhtigii Lasoo magacaabay

Masuuliyiintani Ayaa sido kale Hore U balanqaaday inay waxbadan kusoo kordhin donaan Arimaha Aaas Aaaska U Ah Arimaha Bulshada Sida Toon Balaynka Magalada, Masharaaicaha Horumarineed ee Bulshada, Nadafada iyo Bilicda Maglada .
Hadaba Balanqaadkaasi ayaan Habayaratee Wali Wax Laga Qabanin,islamarkana Aan Dhag Jalaq Usiin Qaylo Dhaanta iyo Baaq Dheer ee Mar Walba Ay War Baahinta U Marinayaan Bulshadu.

waxqabadaka arimaha bulshada ee magaalo ganacsiyeedka togwajaale oo ku taala xuduudka u,dhaxeeya somaliland itobiya
hadaba mar aanu u,kuurgalay habsami socodka hawlaha shaqo ee ay dawlada hoose kawado Gudaha Magalaa Wajale ee magaalo ganacsiyeedka togwajaale oo ku taala xuduudka u,dhaxeeya somaliland itobiya ayaa waxa iiga warbixiyay qaarkamida dadka kudheqan deegaankaasi waxayna ii sheegeen
Anigoo Ah Caaqil Maxmaed xuseen Saleeban Hadii Aan Ka Hadlo Xaalada Magaalada Togwajaale maanta waxan Odhan Karaa Waxay Maraysaa Meeshi Ugu Liidatay Abid Waayo waxad Arkaysaa Inaan Haba Yaraate Magaalada ka Jirin Maamul Wax Qabta Oo Waxa Taasi Cadayn U Ah Waxan Gabi Ahaanba Laga soo Xaadirin Xafiisyadii Loga Adeegayay Bulshada Oo Aad Ogtihiin in Ay Wakhti Kasta Abaabadu U Xidhan Yihiin

wajaa 2

Waxana Taasi Sabab U Ah Maamulkan Oo Aan Haba Yarate Aqoon U Lahayn Shaqada ay Bulshada U Hayaan Waana Mida Maanta Halkasi Dhigtay Bulshada Reer Togwajaale Anagu Ka Cuqaal Ahaan Waanu isku Daynay Inaanu Dhawr jeer Kala Hadalno Arintasi Balse waxay Jawaabtanu Kala Kulanay Noqotay Anaga ayaa Maamulka Iyo Awooda Togwajaale Iska Leh Balse idinku Ku Ekaada Hawshiina Anagay na Qisaysaa sidaanu U Shaqaynayne Markaa iska daa Cuqaal ay Talo Ka Dhagatysano waxayna Waxba Ka Dhagaysan Badhasaabka Gobolka Madaxwaynaha Ka Ah Ee Xukuumada Uga Wakiilka ah Hadaba Anagu waxanu Eedasi Saaraynaa Waa Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Oo Aan Ka Fiirsan Cida Uu Usoo Magacaabayo Ee Hogaanka Loga Dhigayo Dagmadan Togwajaale Waana Kuwo iyagoo Jeebka Cid Gaar ihi ku sidato Loo soo Magacaabo Dagmadani. sidaa Waxa yidhi Caaqil Maxmaed xuseen Saleeban

Aniga Magacaygu waa hinda Muxumed Axmed Waxan ka Mid ahay Haween waynaha Reer Togwajaalle hadaan ka hadlo xaalka Maanta ay togwajaale marayso waa Mid Aad Iyo Aad U Liidata iska daa waxqabad Kale Oo Waxad Dayaca Ka Muuqda ka Dheehanaysaa waa Qashinka Buux Dhaafiyay Shaaracyada Wadooyinka Suuqa Dhexmara

wajaa

Waana Mid Sumcad Xumo Ku Ah Dagmada Togwajaale Iyo Somaliland waayo Togwajaale waa Saylada Geeska Afrika Oo Dhami Uu Kukala Ganacsado Marka Qofku Soo Galo Magalada Wajaale Waxay Markaaba Indhohoodu Qabanayaan waa Qashin Buux dhaafiyay Magaalada Waana Mid Aad Iyo Aad Loga Argagoxo Waxana Dhaliishasi ay Dushoda Tahay Maamulka Ka Jira Togwajaale Oo Aan Haba yaraate ka Warhaynin Xaalada Magaalada. Sdaa Wxa Tidhi hinda Muxumed Axmed
Sidokalena Mid Kamid ah Dhalinyarada Ugu Cadcad Ee Inta Badan U Taagan Hormarka Dagmada Togwajaale Oo Aanu isna Kula Kulanay Magaalada Togwajaale Gudeheeda Ayaa Waxa uu Sheegay in Maamulkani Horumar Wax Qab u Saeeyo Bulshadee Ay Is Taagtay Dhismaha Wadadii Baahida Wayn Loo Qabay ee Tagaysay islamrna Isku Xidhaysay Cisbitaalka Wajaale iyo Magalada Waxa Jira oo Jira Islamarna Dhibadani Ka Haysataa Bulshada Wajaale Toon Balaynka Magalada oo Aan Jirin Wax Wada Ah oo Sidii Loogu Talo Galay ee Sharcigu Dhigaayay Aanay Jirin Qof Walba uu Halkii Ku Soo Hagaagta uu Dhisanayo Maamulka laftiisu uu istay Wado,Waad yaabaysaa Markaa Aragto Wadooyinkani l adhisanaayo Magalaadani Wajaale Waxay u Baahantahay Maamul Aqoon u, leh Masuuliyadani islamrkana Cid kasta oo Sharciga ku Xad Gudbaysa Sharciga La Tiigsato Lkn Hadii Maamulka Laftiisu Wadadii Dhisanaayo Maxaad Kala Yaabi Dadka Kalena.
Gabiley.Net Office Togwajaale Somaliland