DAAWO SAWIRADA:Abwaan Ibraahim Xirsi Hurreh Dayrwaa oo xaflad sii sagootin ah loogu qabtay Magaalada London.

Abwaan Ibraahim Xirsi Hurreh Dayrwaa ayaa xaflad lagu sii sagootinaayey loogu qabtay magaaladda London,Xaflada oo ay soo abaabuleen Haweenka reer Somaliland ee dalka Ingiriiska gaar ahaan magaaladda London,Xaflada oo ay kasoo xaadireen dad farabadan oo ka kala yimid daafarah dalkan Ingiriiska ayuu Ibrahim Dayrwaa kusoo bandhigay sheekooyin aad u xiiso badan oo ku saabsan Qurbaha,Waxa kale oo kusoo bandhigay sheekooyin aad dadku ula dhaceen oo ku saabsan Dalka Somaliland ee uu kasoo kici timay iyo dalkan Ingiriiska faraqa u dhaxeeya waxayna dadka aad uga heleen sheekooyinka xiisaha badan.Abwaan Ibraahim Xirsi Dayrwaa oo dhawaanba ku sugnaa dalkan Ingiriiska una yimid Bandhiga todobaadka Soomaalida ee sanad walba dalka Ingiriiska ka qabsooma,waxaanu soo maray magaalooyinka ku xeran magaaladda London. Waxa kale oo xaflada sii sagootinta kasoo qayb galay fanaaniin fara badan oo ay ka mid ahaayeen,Nimco Yasiin,Maxamed BK,Aadan Qays iyo qaar kale oo badan.