DAAWO Sawirada:Gudoomiye Cirro oo Maanta Booqday Aqalka Barlamaanka DD Ka Somalida Ethiopia ee Jigjiga + SAWIRO.

Jigjiga (GNN) Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa Maanta Booqday Aqalka Barlamaanka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Jigjiga

 

 

Waxaana Gudomiye Cirro Halkaasi ku soo Dhaweeyay Gudomiyaha Barlamanka Jigjiga Maxamed Rashiid isaaq.Gudomiye ku Xigenka Barlamankaasi Fardowsa Maxamed Muxumed.Madaxwayne ku Xigenka Dowlad Degaanka Somalida ahna Wasiirka Waxbarashadda Mowliid Xayir.Wasiirka Ganacsiga iyo Madax Tirro Badan Oo ka Tirsan Maamulka Dowlad Degaanka Somalida.

 

Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa Mid Mid u Booqday Xafiisyada Kale Duwan Ee Xaruunta Barlamanka Dowlad Degaanka Somalida.

Gudomiyaha Barlamanka Jigjiga Maxamed Rashiid Isaaq Oo ka hadlay Booqashadda Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ku Tagay Xaruunta Barlamanka Jigjiga ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Runtii Maanta Farxad Wayn Noo Tahay Maadama Gudomiyihii Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Wadani C/Raxmaan Cirro Nagu Soo Booqdo Magalada Jigjiga Gaar ahaana Xaruunta Barlamanka,Runtii Waanu ku soo Dhawaynaynaa Gudomiye Waxaad Timi Dalkagii.Guud ahaanba Xubnaha Barlamanka Dowlad Degaanku Gacmo Furan ayay Kugu Soo Dhawaynayaan Gudomiye Waxaananu Jecel Nahay in Aanu Xoojino Xidhiidhka ka Dhaxeeya Barlamanka Dowlad Degaanka Somalida  iyo Barlamanka Somaliland” Ayuu Yidhi Gudomiyaha Barlamanka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia

Dhankiisana Gudomiyaha Barlamanka ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa amaan Baladhan usoo Jeediyay Madaxda Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Qaabka ay usoo Dhaweyeen

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Runtii Waxaan ku Faraxsanahay in Aan Joogo Magaladda Jigjiga.Waxaanan Madaxda Dowlad Degaanka Somalida Gaar ahaana Madaxwaynaha.Madaxwayne ku Xigeenka.Wasiirada iyo Gudomiyaha Barlamankaba Uga Mahad Celinayaa Sida ay Noogu Soo Dhaweyeen Magalada Jigjiga Waa Mid Aanan iloowi Doonin,Runtii Waxaynu Ognahay Xidhiidhka ka Dhaxeeya Somaliland iyo Dowlad Degaanka Somalida Waxaanu Balanqadaynaa in Aanu Xidhidhkaasi Sii Xoojino,Waxaan ka Markhaati Kacayaa Horumarka Baladhan Ee ay ku Talabsatay Dowlad Degaanku Waanan Bogadinayaa Horumarkaasi Waxanan Rajaynayaa inuu Halkaasi ka Sii Socon Doono.Mudada Aanu ku Sugan nahay Halkani Waxaanu Booqan Doona Dhamaanba Xafiisyada Dowlada Qaybahooda Kale Duwan si Aanu usoo indha indhayno Horumarka Dowlad Degaanka Somalida.Runtii Mudada Aan Joogo Magalada Jigjiga Waxaan ka Kulmi Donaa Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Oo Aanu ka Wada Hadli-Doono Sidii Kor Loogu Sii Qaadi Lahaa Xidhiidhka ka Dhaxeeya Somaliland iyo Dowlad Degaanka” Ayuu Yidhi Gudomiye

 

Ugu Danbayntii Booqashadani Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Wadani ku Tagay Xafiiska Barlamanka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia ayaa ka Danbeeyay ka Dib Markii Uu Gudomiye Cirro Marti-Qaad Rasmiya ka Helay Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Somalida Cabdi Maxamuud Cumer.

 

Log11