DHAGAYSO:Gobalada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo Lagu Soo Khatimayo Maamulada Fadaraalka Somaliya.

Waxaa heshiis is-afgarad ah laga gaadhay wada-hadallo maalmihii dhowaa u socday odayaasha qabaa’ilka gobolka Hiiraan iyo Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga magaalada Beledweyne.

Heshiiskan ayaa waxaa la iskula raacay in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ay noqoto madasha shirka lagu dhisayo maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ay noqoto caasimadda maamulka cusub ee loo dhisi doono labada gobol.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Odowaa oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay in madaxweynaha labada gobol uu noqonayo mid loo tartamo oo aan heshiiska ku jirin.

contactgabiley