Dhoollatus Lagu Taageerayay Murashaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada J.Somaliland oo Ceerigaabo Lagu Qabtay.

Isu Soo Baxyo Kala Dembeeyey Oo Ceerigaabo & Laascaanood Ka Dhacay Oo Kor U Qaaday Kalsoonnida Uu Saleebaan Cali Koorre Ku Qabo Shacbiyaddiisa Munaasibad ilyartu is qabatay oo shalay lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa lagu muujiyey cududda taageero ee ay shacbiweynaha, magaaladaasi la garab taagan yihiin Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre oo isagu ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kaasi oo olole ugu jira tartanka kursiga guddoomiyaha golaha wakiillada marka uu banneeyo guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo si uu ugu madax bannaanaado hoggaaminta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu ku talogalkiisu yahay in uu iska casilo xilka guddoominta Golaha.

Munaasibaddan shalay ee Ceerigaabo oo qayb ka ah abaabullo ka socdo dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka gaar ahaanna deegaanka bariga Somaliland oo ah halka uu ka soo jeedo amaba laga soo doortay Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre waxaa ay dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira qaybaha bulshadu si iskood ah isugu soo abaabuleen banaan bax ay ku muujinayaan taageerradooda iyo kalsoonnida ay ku qabaan in xildhibaan Koorre uu yahay masuulka ugu mudan ee ku habboon hanashada xilkaasi oo buuxintiisu ay ku tilmaameen mid dhamays ka dhigaysa saamiga awood qaybsiga beellaha alle ku uummay guud ahaanba geyiga Somaliland.

Yaa Ka Qayb galay madasha ay reer Ceerigaabo ku muujiyeen taageeradooda?

Munaasibada lagu taageeray musharraxnimada Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre ee shirguddoonka golaha wakiillada oo shalay lagu qabtay magaalada Ceerigaabo waxa ka qayb galay madax dhaqameed, salaadiin, aqoon yahan, xildhibaano golaha deeegaanka ka tiran, dhalinyaro, haween iyo badiba tiir-dhexaadka beellaha Sanaag. ” waxaan halkan taageero mug iyo miisaan leh uga muujinaynaa xildhibaan Saleebaan Cali Koorre, oo ah xildhibaan reer Ceerigaabo ah, aad iyo aad baanu u hambalyaynaynaa hankiisa musharraxnimo”, sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah madaxda dhaqanka eer ceerigaabo oo saigu halkaas ugu duceeyey in uu illaahay ku guulleeyo xilkaas guddoominta golaha sharci dejinta, waxaana uu intaa ku daray “weligeedba galbeed [gobollada galbeedka Somaliland] baarlamaanka iyo madaxweynaha mid walba ka dooran maynee codkeenna aynu muujino haddaynu reer Sanaag nahay. Waxaanan ku boorrinayaa reer Laascaanood iyo gobollada kale ee bariga Somalilandba in ay maalinkan maanta ah guntiga u xidhaan sidiiloo soo saari lahaa xildhibaan Saleebaan Cali Koorre”. Mid kale oo kamid ah odayaashii madasha ka hadlay ayaa reer Sanaag iyo guud ahaanba gobollada bariga Somaliland u tilmaamay awooddooda iyo sida ay ugu quus qaadan karaan cid kasta oo Xildhibaanka ay taageersan yihiin la loollamaysa waxaana uu yidhi “ciddii Saleebaan Cali Koorre kula tartamaysa xilkaas marka ay arkaan reer sanaag cududooda iyo miisaankooda taageero iyo weliba sida ay heegan ugu yihiiin hiilkiisa, waxaan filayaa in ay iskaga baydhi doonaan [tartanka] oo ay uga hadhi doonaan guusha. Dhinaca kale waxaanu ka codsanaynaa golaha baarlamaanka in ay codkooda u hanneeyaan Saleebaan Yuusuf Cali Koorre oo isagu ka turjumaya rabitaankii gobollada bariga Somlailand oo in muddo ah ka qatanaa saamigoodii iyo xuquuqdii ay u lahaayeen ka qayb galka awood qaybsiga mansabyada sare ee dalka”. Sidaa ayuu yidhi odaygan waayeelka ahi.

Kasokow ceerigaabo isu soo baxeeda shalay waxaa ka horeysay oo maalintii dorraad iyaguna isu soo bax aan la malaysan karin ku taageeray musharraxnimada Saleeban dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kuwaas oo si lamid ah Ceerigaabo ku muujiyey hankooda iyo himilladooda shacbi in ay ku xidhan tahay doorashada ay xildhibaannada golaha wakiilladu ku dooran doonaa guddoomiye ka soo jeeda beellaha bariga Somaliland, kaasoo Saleebaan cali Koorrena ay ku tilmaameen in uu yahay ka ugu mudan ee buuxinaya shuruudaha kursigaasi leeyahay, kalsooni buuxdana ay shacbigaasi ku qabaan.

Hore ayay dadweyneha ku dhaqan magaalo madaxyada gobollada galbeedka Somaliland sida Hargeysa, Gabiley, Burco iyo Boorame waxaa ay si daahan iyo si daalacanba marar kala duwan warbaahinta uga sheegeen taageerada ay u hayaan xildhibaan Koorre oo ay dadka siyaasadda odorrasaa aaminsan yihiin in uu yahay hoggaamiye ruuxi ah oo gadh wadeen hayin ah u noqon kara golaha wakiillada.

 

Log11