Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Oo Ku Dhawaaqay In Berri Fasax La Galayo

Hargeisa(GNN):- Gudomiyaha hayada shaqalaha Somaliland Maxamed Mixiile Boqoore ayaa ku dhowaaqay in maalinta arbaco oo beri ah munasibada Mowliidka Nebiga CSW ay fasax yihiin dhamaan shaqalaha dowliga ah, lakinse maalinta ku xigta ee khamiista ah shaqada lagu soo noqon dono.index

Gudomiyaha hayada shaqalaha Maxamed Mihiile Boqore oo xafiskisa kaga dhowaaqay fasaxa shaqalaha dowladda ayaa sidoo kale hambaalyo uu direy madaxweynaha, kuxigeenkisa, marwaada 1ad qaranka iyo marwaada 2ad iyo dhamaan shacabka iyo umada musliminta munasibada mowliidka Nebiga CSW oo ku beegaan Arbacada beritoole, waxana warsaxafadeedka gudomiyaha uu dhigna sidan “Gudomiyaha hay’ada shaqaalaha dawladu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan masuuliyinta wasaaradaha iyo hay’daha dowliga ah inay shaqaalaha dowladda ay fasax yihiin shaqaada maalinta Arbacada ah, oo munasibadda dhalashaadii negibigeena CSW taariikhda Rabiicul Awal 12/03/1437 hijriyada oo ku began 23/12/2015 ee miilaadiga.

Haddaba guddomiyuhu waxa kale oo uu halkan uga hambalyaynayaa madaxweynaha JSL iyo marwadiisa, madaxweyne ku/xigeenka iyo marwaadisa iyo dhammaan shaqaalaha dowladda, xaasaskooda iyo caruurtooda munaasibadda dhalashadda nebigeena suubaan CSW naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee awgeed, waxaanu uu rajaynayaa in aynu ku gaadhno bishan bisheeda bash bash, badhaadhe iyo nabadgalyo JSL, hesho haduu eebo raali ka noqdo”

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Almis
Contactgabileynews@gmail.com