Gudida iyo Xubnaha Xisbiga Wadani Ee Toronto Iyo Nawaaxigeeda Oo Soo Dhaweeyay Taageerayaal Ku Soo Biiray Waddani

Toronto(GNN) gudida iyo taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay taageerayaal shalay ku soo biiray xisbiga wadani.

Tageerayaashan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde, Mudane Cabdi Haybe, Xildhibaan Mataan iyo Marwo Amina “ Kidmaster “.sida lagu sheegay war qoraala oo ay soo saareen gudida xisbiga wadani ee Toronto iyo nawaaxigeeda.
Guddoomiyaha , Guddigga , Xubnaha iyo taageerayaasha xisbigga WADDANI ee

wadani(5)

Toronto & nawaaxigeedu waxay qalbi furan kusoo dhawaynayaan taageerayaasha faraha badan ee cudud,caqli,muruq iyo maalba kusoo kordhiyay WADDANI, kana soo jeeda gobollada Hawd,Maroodijeex, Saaxil ,Togdheer iyo Daadmadheed . Waxa ayaguna hanbalyo gaar ah mudan siyaasiyeenta hogaaminaysae ay ka midka ahaayeen Xildhibaan Cabdilqaadir Jirde, Mudane Cabdi Haybe, Xildhibaan Mataan iyo Marwo Amina “ Kidmaster “. Waxa asaguna hanbalayo gaar ah mudan Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldan Mohamed Suldan Cabdilqaadir . Waxa hubaal ah inay guushu raaci doonto halka ay maraan hoyga halganka Somaliland iyo Saldanada Guud ee Somaliland. Waxay kala doorteen Qalin & Qori, Caano & colaad, Horumar & halaag.
Guul & Gobanimo.
Wa bilaahi towfeeq.

Guddigga WADDANI, TORONTO.