Gudomiye Cirro Oo ka Anba-Baxay Magalada Jigjiga Una Dhoofay Caasimada Ethiopia Addis Ababa + Sawiro

Jigjiga (GNN) iyada Oo Uu Dhawanahanba Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Gaar ahaana Magalada Jigjiga Uu Ku Sugnaa Wafti Uu Hogaminayay Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa ka anba baxay Magalada Jigjiga Oo Uu Maalmihii u Danbeyayba Kulano Kale Gedisan Gudomiyuhu la Qaadanayay Madaxda Dowlad Degaanka Somalida iyo Bulshada Reer Jigjiga Qaybahooda Kale Duwan.

DSCF1950

Gudomiye Cirro ayaa intii Aanu ku Dhoofin Madaarka Diyaradaha Jigjiga ayaa waxa halkaasi ku sii Maca Salameyay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda Dowlad Degaanka Somalida EthiopiaOo Uu Ugu Horeeyo Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda.

DSCF1961
Waftigani Uu Hogaminayay Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ayaa u Kicitay Casimada Ethiopia Addis Ababa Oo la Shegay inuu Gudomiye Cirro Kulan Xasaasiya la Qaadan Doono Madaxda Federalka Dowlada Ethiopia.

DSCF1964

Sidoo Kale Gudomiyaha ayaa la Filayaa inuu Kulano Noocani Oo Kale ah la Qaadan Doono Diblomasiyiin Kale Duwan Oo ku Sugan Magaladda Addis ababa.

DSCF1974

Ugu Danbayntii Maanta Galinka Danbe ayaa la Filayaa inuu Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro Dib Ugu Laaban Doono Casimada Somaliland Hargaysa.

 

GABILEY.NET

JIGJIGA OFFICE