Kooxda Argagixasa ah ee AL-shabaab Oo Hanjabaad U Soo Dirtay Somaliland.

Farriin cod ah oo la soo dhigay barta Internetka ayaa waxaa ku duubnaa codka Fu’aad Maxamed Khalaf,oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar-sare ee kooxda AL-Shabaab,cdkan oo ahaa Hadal hanjaabada oo ka soo yeedhay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa uu soconayey muddo ah laba daqiiqo ah.


Fu’aad Muxamed Khalaf ayaa waxaa uu ka hadlay in ay Somaliland ay ka mamnuucday dhallinyarada ka yar 20 sano jir wiilal iyo gabdhaba akhirska kitaab la yidhaahdo Al-Walaa Wal-baraa waxaana uu yidhi”Somaliland ayey la baxeen magaalada Hargeysa waxaa looga dhawaaqay oo hadda cusub inay yidhaahdeen dadka gaadhay 20 jir wiil iyo gabadhba dadka waxaa mamnuuc ah Tawxiid in loo akhriyo,annaguna geedaha hoostooda ayaanu ku akhrisaneynaa,masaajida inta la soo dhaafay”Ayuu yidhi Fu’aad Maxamed Khalaf.

Dhinaca kale waxaa uu Fu’aad Maxamed Khalaf farriin u diray dawladda Somaliland “Halkaana waxaan Waxaan u sheegaynaa bi idni LLAAHI Tacaalaa Hargeysa hadday tawxiidka la dgaalantay,Allaah qofkasta oo ladagaalamaa waa dulloobaa,Allaah raxmaanka ninkii isku taaga dawladnimo ma yeesho”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi “Hargeysa iyo meel ka fogba tawxiidkan geedaha hoostooda ayaa looga akhriyi doonaa bi idnillaahi,inta masaajida soo dhaafaan ayaa geedaha lagu akhriyi doonaa,islaamka markaa Alle waa cisseeyey,Sharaftaa islaamka Allebaa keenay inaan kalmada Illaahay u dagaalanno, oo kor u qaadno ”Ayuu yidhi Fu’aad Maxamed Khalaf.

Dhinaca kale Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa si cad u sheegay inay joogaan massaafo Somaliland u jirta 8km,walowsan uu cayima dhinaca ama goobta ay ku sugan yihiin “Waxaa sharaf noogu filan meel aan 8km ka dheereynbaa qarnaku joogaa,halkanna tawxiid,salaad iyo sunnada Nebigaa SCW lagu faafinayaa”,sidoo kale Fu’aad Muxamed Khalaf isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi “Ilaah SWT diintiisa korbuu u qaadayaa,dadka muuminiinta ha ogaadaan Imtixaan kasta oo la maro waxaa ka danbeeynaya inay Illaah kalmaddiisa kor noqoto”Ayuu yidhi Fu’aad Maxamed Khalaf.

 

Log1