Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Berbera Iyo Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Taliyaha Ciidanka Birmada Ee Berbera Oo Dil Lagu Xukumay –

Berbera(GNN):-magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxa maalintii labaad ka dhacay mudaharaad la xidhiidha dilkii loo gaystay taliyihii ciidanka birmadka ee gobolka Saaxil.

yasin2

Ciidanka booliska ee magaalada Berbera ayaa dadkii mudaharaadka samaynayey u adeegsaday xabado nool kuwaas oo ay ku kala kaxaynayeen dadkii mudaharaadka dhigayey oo dalbanayey in xukun dil ah lagu fuliyo gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii ciidanka birmadka.

yasin(1)

Dhinaca kale maxkamada ciidamada ayaa saaka barqadii dil ku xukuntay askarigii dilay alle haw naxariistee taliyihii ciidanka birmadka ee magaalada Berbera Aadan Guuleed Jibriil Talaabo taas oo uu xaqiijiyey warbaahinta badhasaabka gobolka Saaxil, iyada oo gacan ku dhiiglahana maalinta bari ahna la hor gayn doono askariga dilka gaystay maxkamada darajada labaad.

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Gabileynewsnetwork