Munaasibad Lagu Tageerayay Murrashaxiinta Xisbiga Kulmiye Oo Ka Dhacday Caasimada Dalka Filand Ee Helsinki + SAWIRO.

Xaflad ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha xisbiga kulmiye ee dalkan Finland oo lagu taageerayo musharaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi iyo Musharax madaxwayne Ku Xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici

ayaa caawa ka dhacday caasimada dalkan Finland ee Helsinki.

Waxaana hadalo kala duwan ka jeediyay qaar kamida masuuliyiinta xisbiga kulmiye laanta Finland odayaasha, aqoonyahanka, dhalinyarda iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay xafladan.

Gabagabadii Xaflada Ayaa waxaa khadka teleefanka kaga qayb Qaatay Labada Musharax Md Muuse Biixi Iyo C/raxmaan Saylici Iyagoo Hanbalyo Iyo Mahadcelin usoo Jeediyey Dadweynihii Isugu Yimi Xaflada. Kuna booriyey in Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Gacmaha is Qabsadaan Dal iyo Dibedda.

Log1