Murrashax Jamaal Oo Shacbiga SL Ka Tacsiyadeeyay Geerida Guddoomiye Ku-xigeenkii Xisbiga UCID

Murrashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa shacbiga Somaliland eheladii iyo qarabadii uu ka baxayba ka tacsi yadeeyay Geerida ku timi alle hawnaxariiste Guddoomiye ku-xigeenkii koobaad ee Xisbiga UCID, Marxuum Aadan Jaamac Horri oo ku geeriyooday dalka Isutaga Imaraadka Carabta, qoraalka tacsi-da Murrashax Jamaal Cali Xuseen ayaa u dhignaa sidan.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoyskii iyo qaraabaddii uu ka geeriyooday Gudoomiye ku xigeen kii koowaad Ee Xisbigga UCID Aadan Jaamac Hoorri. Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo Gudoomiye Hoorri OO in muddo ahba ku xanuusanaayey dalka Emaaraadka. Waxa uu gudoomiyahu door hor leh Ka Soo qaatay tartankii Golaha deegaanka iyo inuu Ucid mar kale noqdo xisbi qaran. Ilaahay qabriga haw nuuriyo, waxa uu ahaa shakhsi daacadda.”

Jamaal Cali Xuseen.