Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, Oo Maanta Kullan Hadhimo Sharafeed Ah La Qaatay Halgamayaashii Waaweynaa Ee SNM- DAAWO SAWIRADDA

Hargeysa-(GNN)- Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta kulan iyo qado sharaf la qaatay xubnihii uu tunka weynaha halgankii dalka lagu xoreeyey isla markaana hoggaaminayey dhaqdhaqaqyadii dib u xoreynta ee uu keenay halyeyeddii SNM. Xubnahaas oo saameyn weyn ku leh, siyaasadda dalka iyo sidoo kale taarikhdiisaba. Waxanay Kulankan qadada ahi ka dhacay Hutel Summer time ee magaalada hargeysa waxana kasoo qaybgalay Muj Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muj Xasan Guure, Muj Maxamed Isxaal, Ibraahin Cabdilahi Xuseen dhego weyne iyo sidoo kale shaqsiyaad miisaan culus oo kale
kow(14).jpg

.

Kullankaas oo aan saxaafadda loo ogoleyn waxa ay in badan Mujaahidiintan iyo siyaasiin badan oo kale, waqti dheer kaga wada sheekeysteen maraaxiil badan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka maanta maraayo, sidoo kalena waxa ay si weyn iskugu xog wareysteen arriimo ay kamid yihiin doorashadda iyo diiwaan-gelinta.

Geesta kale waxa ay mujaahidiintaasi niyad sami kusoo dhoweeyen soo afjarista khilaafkii Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo dhowaan lasoo gabo-gabeyey. Waxa kaloo ay haldoorkani isku raacen sida uu Jamaal Cali xuseen ugu qalmo inuu hoggaamiyo tallada dalka, waxanay madasha si wada jir ah uga cadeeyen inay hiil iyo hooba la garabtaana yihiin, musharraxa madaxweyne ee Xisbiga UCID
laba(18).jpgJamaal Cali Xuseen.

Si kastaba ha ahaatee, kullankaas ayaa ahaa mid kulmiyey siyaasiiyin miisaan culus ku leh dalka, iyo sidoo kale-na la’aantood aanay somaliland jirteen maadaama oo ay yihiin halgamayaashii hormoodkoodi. Taasina waata sababtay inuu kullan qado ah iskugu keeno Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md jamaal Cali Xuseen.

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE