Gobalka Hargaysa oo Buuro Macdanta DAHABKA ah Laga Helay (New Gold Area Discovered Recently in Somaliland).

Hargeisa (GNN)-Buuro ku yaalla Waqooyiga gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), ayaa la sheegay in laga helay Macdanta Dahabka, sida uu xaqiijiyey Cabdiraxmaan Xasan oo ah Mulkiilaha Shirkad ka shaqaysa Macdanta oo Somaliland ka hawlgasha.

Sida lagu baahiyey Hornmarket, oo la kulmay Mulkiilaha Cabdiraxmaan iyo Shaqaalahiisa, ayaa sheegay inay u damaashaadayeen helitaanka godka Dahabka, waxaanu yidhi; “Badi goobtan hore ayaa sahamin loogu sameeyey, laakiin wakhtigan, goobtan aannu helnay waa meel aanay ciddii hore u baadhin.”

Waxaanu Cabdiraxmaan Xasan intaas ku ladhay; “Qoditaanka iyo helitaanka Dahabku waa shaqo hawl adag iyo qalab u baahan, laakiin ay faa’iido ka heli doonaan annaga iyo Qaranka Somaliland.”
Ka Helitaanka Macdanta Dahabka Buuraha Somaliland gaar ahaan Waqooyiga gobolka Maroodi-jeex, ayaa imanaya wakhti muddo badan la sheegi jiray inuu Dahab ku jiro qeybo ka mid ah dalka, waxaana la saadaalinayaa in helitaankan cusub dhiirrigelin doono Sahamin iyo Maalgashi lagu sameeyo Somaliland oo qeybo badan lagu sheego inuu Dahab iyo Ciido Dahab ku jiro laga helo.

………………………………………………………………..

New Gold Area Discovered Recently in Somaliland

Horn Market – It’s been known for long time that gold existed in some parts of somaliland, and this was revealed recently after Abdirahman Hassan , an owner of Local Mining Co. and a geologist found Gold nuggets from rock mountains in north of Marodijeh region,

Hornmarket met with abdirahman and his team in hargeisa, as they were celebrating for their finding of gold area

“Much of that area has been explored before. But in this case, where we found them, these were areas nobody had ever discovered until now,” Abdirahman said ” to dig and find gold in here needs hard work, effort and equipments but it will pay off for us and for the state ”

These Recent Findings will encourage Mining Investments in somaliland that has huge areas with gold, as well as soils rich in gold.

 

contactgabiley