Nuxurka Kulan Dhex Maray Komishanka Doorashooyinka Iyo Hogaanka Xisbiyada Qaranka Somaliland.

Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran Kulmiye, Waddani Iyo Ucid ayaa shir qaatay Saacado tiro badan waxay la Qaateen Komishanka Doorashooyinka Qaranka kaasi oo lagaga wada hadlay Arimaha Diiwaan-gelinta iyo Habsami U Socodka hawlaha Diyaarinta Doorashooyinka dalka ka dhici doona 2017,


Shirkan ooahaa mid af-xidhan warbaahintana aan loo ogolayn Dibad iyo Gudo midna ayaa waxa u jeedadiisa lagu sheegay inay ahayd sidii looga wada hadli lahaa hadal uu dhawaan warbaahinta ka jeediyey gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku aadanaa inay heleen Qaybihii ugu badnaa qaadhaanta Wadamada Somaliland ka caawiya Dhaqaalaha doorashooyinka isla markaana Diiwaan-gelinta wajiga ugu horeeya ka bilaabi doonaan Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco,

Arimaha la yaab ka leh ee shirkan maanta ka dhacay waxa ka mid ahaa in Gudoomiyayaasha Sadex-da Xisbi Qaran ku taliyeen inay Gaadiidkooda Warbaahinta ku dhaafaan oo aanay wax hadal ah siin si dadweynaha shirkan loo gaadhsiiyo.

 

Log1