Shacabka Reer Berbera Oo Sidiiran Usoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Loo Magacaabay Gobolka Saaxil

Berbera(GNN)gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay magacaabistiisa qaybaha kala duwan e bulshada berbera.

Haaruun Maxamed Xasan.jpg

Haaruun Maxamed Xasan oo kamida ganacsatada ka shaqeeya dhoofka xoolaha loona yaqaan (cidla ) ayaa isaguna si gaara uaga hadlay masuulkaa lasoo magacaabay, waxaanu ku timaamay nin u qalma jagadaa madaxwayne siillaanyo u doortay.

waxaanu yidhi inta aan ka aqaano waa muwaadin dadkiisa iyo dalkiisaba u daacada, waxaanu iska ahaa nin ganacsade ah oo umada u macaan, waayahan u danbaysana nolashiisa waxa uu ku noolaa dalka canada,waxa kale oo xusid mudan ayuu yidhi mr haaruun in aabihii ahaa gudoomiyahan cusub ninkii aabihii aas aasay magaalada boorame, tuuladii u horaysana ka yagleelay
mr haaruun waxa uu intaa ku daray in nuu yahay nin xaga diintana ku fiican ta maadiga ahna aqoon wanaagsan ka gaadhay, waxaanan illahay uga rajaynaynaa ayuu yidhi in illaahay xulkaa ku asturo

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE