Shaqaale Ka Tirsan Dawlada Somaliland Oo Deeqo Waxbarasho U Jooga Ethiopia Oo Halis Ugu Jira In La Xidh Xidho Iyo Safiirka Oo Ka Dhaga Adaygay Cabashadooda

 

Hargeysa(GNN):-Safiirka somaliland ee dalka Ethiopia ayaa ilaa hada ka gaabsaday inuu wax la qabto qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada oo deeqo waxbarasho oo ay ka heleen wadanka Ethiopia u jooga jaamacada dawlada ee magaalada Addis Ababa.

Ardayda deeqda waxbarashada ka helay jaamacadaha dalka Ethiopia ee ka tirsan shaqaalaha dawlada somaliland oo qoraal soo saaray ayaa cabasho weyn ka muujiyey qaabka uu ula shaqaynayo safiirka somaliland ee dalka Ethiopia iyo masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada.

Qoraal ay ardaydani ka soo saareen magaalada Addis Ababa oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan “dhibtu waxay ka bilaabantay markii aanu Hargeysa ka soo baxaynay ayaa safaarada Ethiopia ee Hargeysa ku taala waxay baasabooradii aanu sidanay ku soo dhufatay fiise dalxiis, halkii ay kaga dhufan lahayd mid ardaynimo, markii aanu soo gaadhnay magaalada Addis Ababa ee aanu mudo bil ah dhiganaynay jaamacada ayaa maamulkii jaamacadu nagu war geliyey inaanu la nimaadno kaadhkii deganaanshaha ee Ethiopia oo ay bixiso laanta socdaalka ee Ethiopia, markii aanu is nidhi doontana waa naloo diiday, waxaana naloo sheegay in fiisaha aanu dalka ku soo galnay yahay mid dalxiis, dalkana aanu iskaga baxno.”

Qoraalk ay soo saareen ardayda ka tirsan shaqaalaha dawlada somaliland ee deeqda waxbarasho ku jooga ayaa lagu faah faahiyey talaabooyinka ay qaadeen markii ay arintu halkaas maraysay waxaanu lagu yidhi “maadaama aanu shaqaale dawladeed nahay waxaanu arintayadii ku war gelinay safaarada ay somaliland ku leedahay dalka Ethiopia, laakiin nasiib daro waxaanu la kulanay safiir aanay masuuliyadi ka muuqan oo maalin kasta balanta uu noo qabto aanay waxba ka suura galin, wakhtiguna wuu socdaa jaamacaduna maalin kasta waxay nagu war gelinaysaa inaanay jaamacadu ahayn meel dadka bilaa sharciga ahi iska joogi doonaan.”

Sidoo kale waxay ardaydu ka warameen kulan ay la qaateen wasiirka arimaha dibada markii uu yimid Adisababa waxaanu yidhi “Waxa uu nasiibku noo saamaxay inaanu xarunta safaarada somaliland ee Adis Ababa kula kulanay xubno ka mid ah golaha wasiirada somaliland oo wasiirka arimaha dibadu ku jiro arintayada markii aanu uga waranay safiirka oo goob joog ahaa ayaa balan ku qaaday inuu arintayada ka hawl galayo laakiin mar labaad safiirkii waxa uu iskaga anba baxay magaalada Hargeysa, anaga oo shaqaale dawladeed ahna waxaanu maalin kasta halis ugu jirnaa in xarunta jaamacada nalaga dhex qab qabto, safiir ku xigeenka oo aanu la xidhiidhnay isaga meer meerin badan ka dib waxa uu noo sheegay inaanu wax xal ah hayn, markaas waxaanu leenahay dawlada Ethiopia ma waxay noo soo diraysay inay jeelasha Ethiopia nagu rido, waxaanu mari kari la nahay dariiqyadii, waxaanu wadan kari la nahay waxbarashadayadii, hawshii safiirka ee ahayd inuu shacabka somaliland ee hawluhu ku qabsadaan dalka Ethiopia u fududeeyo waxa tusaale inoogu filan anaga oo shaqaale dawladeed ah oo xataa masuuliyiin dawlada ka tirsani nagu jiraan sida uu naga yeelay ee uu la hadli kari la yahay dawlada Ethiopia ee iyaduna deeqda waxbarasho na siisay.”
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE