Shaqaale U Shaqeynayey QM oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd rasaas lagu furay gaadhi marayey meel u dhow wadada badan Maka Al Mukarama.

Wararka hordhaca ah ee VOA soo gaadhaya ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen rasaastaasi.

Labada qof ee ku geeriyooday weerarka ayaa kala ah Aamina Maxamed Nuur iyo Cabdirisaaq Aadan Caddaawe oo u shaqeynayey hay’adaha QM.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda weerarka geysatay ay gaadhi ku horjareen ka hor intii aanay bilaabin rasaasta, kadibna baxsadeen.

 

Gabiley.Net