Sheekh Aadan Siiro Oo ka Hadlay Xuska Dhalashadii Nabiga (SCW

Hargeysa (GNN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Ahmiyadda dhalashada Nabigeenna Suuban ee Muxamed u leedahay Adduunka iyo Aadamaha ku noo, waxaanu tilmaamay in Rasuulkeenna dhalashadiisu wax ka beddeshay Adduunka oo dhan.

Sheekhu waxa uu tilmaamay in Nebi Muxamed (CSW) uu ahaa Nuur u soo baxay Adduunka, isla-markaana dedaalkii uu u galay Diintii uu Alle u soo dhiibay keentay in Maanta meel kasta oo Adduunyada ka mid ah laga Aadaamo oo uu Alle (SW) lagu caabudo.

aadan siiro.jpg

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhalashada Nebigu waxay Adduunka ka beddeshay, ayaa yidhi, “Dhalashada Nebiga (CSW) oo wax badan ka beddeshay Dunida isla-markaana ahayd Nuurkii dunida ku soo kordhay isku khilaafi mayno oo geylin mayno khilaaf Diimeed, iyada oo ay jiraan Khilaafaad Siyaasadeed, mid Qabaliya, khilaaf Goboleysiya iyo mid Tijaariyaba ay jiraan.”

Sheekha oo sii hadlaya, ayaa si kooban wax uga taabtay Waxyaabaha uu Nebigeenna Muxamed (CSW) uu Adduunyada ku soo kordhiyey iyo siduu u beddelay dhaqankii Carbeed, “Waxaan si caqli iyo Xikmad badani ku jirto aan u tilmaamayaa Muxuu ku soo kordhiyey Nebigu Dunida?. Nebigu wuxuu ka soo baxay oo laga soo saaray Mushtamac haddii nin ay u dhalato Gabadh uu Nolosha ku aasayey, dilkuna ka ahaa haddii aanu arki wayno Dhiig ama Cid aanu dillno Nimankii Reer Bani Bakrin ee aanu jaarka ahayn ayaanu ku Mijo baxsanaa ‘Subxaanallaah’.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Rasuulka markii loo soo saaray inuu Kitaabka Xambaaro oo uu ummadda gaadhsiiyo wuxuu sameeyay Istaraatiijayad oo muddo 3 Sanadood ah ayuu hoos u waday Dacwadda, Maadaama oo Qureysh aanay aqbalayn, si uu u sameeyo Rukunno Adag oo Diintu ku kacdo, wuxuu ka bilaabay Khadiija oo Gabadhiisa ahayd, wuxuu ka bilaabay Cali Binu Daalib, Wuxuu ka bilaabay Sayid Binu Xaaris, wuxuu ka bilaabay Hablihiisa,

Sheekhu waxa uu si gaar ah uga hadlay Sababihii uu Nebigu u soo xushay Abuu Bakar, “Nebi Muxamed (CSW) muxuu ku doortay Abuu Bakar?, wuxuu ka dhashay Reerka ugu yar Qureysh, talada ayaa la jaraa iyada oo ay maqan yihiin Reer Bani Tiim, waxna lama waydiiyo hadday joogaan, waayo? Miisaanka Abuu Bakar wuxuu la mid ahaa Miisaanka Qureysh oo dhan, sidaa daraadeed Nebi Muxamed (CSW) wuxuu eegi jiray yaa Ummadda anfacaya oo wax u qabanaya oo hore u wadaya?. Adduunka meesha aad tagtaba meel aanu Aadaan ka baxayn ma jiro, Islaamka sidaa u fiday Saxaabada ayaa Xambaarey oo meel walba gaadhsiiyey markii uu Rasuulku Dadka Diinta gaadhsiiyey ee uu dhidibada u aasay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey Sheekh Aadan-Siiro oo Arrintaa barbar-dhigaya Sida dunida Muslimka ah qof xil loogu dhiibo iyo sida loo soo xusho, “Muslimiinta waxa halkaa dhigay nin aan Ummadda waxba u tareyn oo aan Taariikh ku lahayn wuxuu yeelo mooyaane, waayo?, marka la doonayo in (Xil) la Magacaabo waxa la odhanayaa yaa aniga I jecel, yaa Siyaasaddeyda fulinaya, yaa marka Mashruuc la qaybsanayo inta badan ii keenaya?, haddaan ahay Ninka haya Hoggaanka habeenkii buu soo Daahiraa oo uu iftiimaa yaa odhanaya?.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu ka hadlay Abaaraha ka jira Somaliland, “Hargeysa meel aan biyo lahayn ma jirto, haddana Dadka Reer Miyiga ah ee ku dhaqan deegaannada Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ku xeernaa ayaa Oon u bakhtiyaya. Haddii Maanta la is yidhaahdo qoda 100 Ceel waa min $ 70,000 kun oo dollar, macnaheeduna waa $ 7 Milyan oo dollar, markaynu iswareysanno 7-daa Milyan qaar baa ka mid ah kuwa Meesha haysta ayaa ku shaaheeya, waxaanu leenahay ha loo gurmado Agoonta iyo Dadka kale ee Jilicsan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu u Mahad-celiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Booyado biyo ah u dirtay Dadka Abaareysan ee Gobolka Hawd, “Waxaan u Mahad-naqaya Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo qayb ka qaadatay Waraabinta Dadka Booyado badanna u dirtay, laakiin waxaanu leenahay maamulka kale ee joogaanna haku dedaalaan wax joogto ah oo Dadka Anfaca.”

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE