Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(GNN)-Waxaa maanta qarax gaari nuuca raaxada loogu soo xiray Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya uu ka dhacay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ku xirnaa Gaari Kaarib ah uu watay Maxamed C/llaahi Gardhuuboo katirsanaa Saraakiisha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka, waxa uuna qaraxa dhacay xili uu gaariga sargaalka watay uu marayay agagaraka Saldhiga Waabari.

Sargaalka la qarxiyay oo dhaawac culus uu kasoo gaaray qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay in uu u Isbitaalka ku geeriyooday , waxaa sidoo kale la sheegay in qaraxaasai uu dhaawac fudud kasoo gaaray qof kale oo rayid ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Taliyaha Ciidanka booliiska Saldhiga Degmada Waabari ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxa sargaalka lagu dilay uu ahaa mid loogu soo xiray gaari yar uu watay uuna qaraxu dhacay xili uu saldhiga agtiisa marayay.

Qaraxyada Gaadiidka la isugu xiro ayaa kusoo batay Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan ay cabsi badan ku beereen shaqaalaha Dowlada iyo waliba dadka shacabka ah ee gadaiidka isticmaala.

 

Log11