Isku-dhacyo Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Ka Dhacay Jibouti, Iyo Xukuumadda Iyo Mucaaridka Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay

Jibouti-(GNN)- Wararka ka imanaya caasimada dalka Jabouti, ee Jibouti, yaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabshado ka dhacay duleedka xaafadda Balbala., Xiisaddan ayaa lagu soo waramayaa in ay billaabantay subaxnimadii saaka xiligaasi oo dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen munaasabad Siyaaro ah oo sannad walba la qabto oo lagau xuso Sheekh Yoonis Muuse.

Ciidamada ammaanka ayaa isku dayay inay kala dareeriyaan dadkii ka soo qayb galay xuskan waxaanay taasi keentay in ciidamada iyo qaar ka mid ah dadweynuhu isku dhacaan.

Dhinaca kale, Warsaxaafadeed qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jibouti, oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradaasi Xasan Cumar Maxamed, ayaa lagu sheegay in dad siyaaro ku dhigganayay duleedka magaalada Belbela, ay ku soo dhuunteen Toban nin oo hubaysan, taas oo keentay in ay ciidamada ammaanka isku dhacaan, waxaana warsaxaafadeedkaa lagu xusay in ay dhacdadan ku dhaawacmeen sagaal qof oo uu ku jiro laba xiddigle Lagu magacaabo Abukar Maxamuud Adan, oo ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi, Sidoo kale, waxa war saxaafadeedkan lagu sheegay in ay arrintan ka danbeeyeen dad war xumaa tashiil ah oo gacan ka helaya dad dibadaha jooga oo looga dan leeyahay in lagu khalkahliyo amniga dalka, waa sida warsaxaafadeedka lagu xusaye.

Warsaxaafadeedkan waxa kale oo lagu sheegay in ay ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen todoba qof oo la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin dhacadadan, waxaana hada socda hawlgalo baadhitaano ah oo ay wadaan ciidamada ammaanku.

Geesta kale, Isbahaysiga mucaaridka dalka Jibouti, ayaa masuuliyada dhacdadan dhabarka u saaray dawlada Jibouti
GABILEY.NET

GABILEY OFFICE