Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Socdaal Ku Tagay Dalka Ingiriiska + SAWIRO.

Hargeysa(GNN)-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa shalay gaadhay magaaladda London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu sheegay inuu ku sugnaan doono muddo laba todobaad ah.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay in mudada uu ku sugan yahay Ingiriiska uu kullamo la yeelan doono saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriiska iyo masuuliyiinta hay’adda kaalmadda u qaabilsan Britain ee DFID.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in uu mudada uu joogo Ingiriiska kulamo xog waran ah la yeelan doono Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaas.

Wasiirka waxa madaarka London  ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah dublamaasiyiinta Somaliland u jooga UK iyo qurbo-jooga reer Somaliland.

image
image

image

 

image

 

 

Log11