Xildhibaan Xaji Cabdikariin Oo Loo Qaaday Dalka Dibadiisa Oo Gaadhay Magaalada Addis-Ababa Ee Dalka Itoobiya Iyo Safirka Ku Xigeenka Somaliland U Fadhiya Oo Booqday

Addis-ababa(GNN):Xildhibaan Xaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Dalka Debadiisa, Ayaa Gaadhay Magaalada Addis-Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Safiir Ku-Xigeenka Somaliland U Fadjiya Dalka Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye Ayaa Xildhibaanka Iyo Xubnihii La Socday Ku Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ee (Bole International Airport Addis Ababa) .

VV
Xildhibaan Xaji Cabdi Waraabe Ayaa Ah Xildhibaanka Ugu Da’da Weyn Golayaasha Qaranka Somaliland, Wuxuuna Muddo Dheer Ku Soo Jiray Saxadda Nabadaynta Iyo Odaytinimada, Isagoo Xildhibaanku Isaga Oo Da,Yar Loo Aqoonsaday Madaxdhaqmeed Kale Haga Belaha Islamarkaana Ka Shaqeeya NabadayntaGeesta Kale Sida Ay Sheegayaan Wararka La Xidhiidha Caafimaadka
Xaji Cabdi Waraabe Waxa La Filayaa In Dalka Itoobiya Looga Sii Qaado Dhinaca Waddanka Imaraadka Carabta Taasi Oo Maalmaha Soo Socda Lagu Dabiibi Doono Xalada Caafimaad Ee Lasoo Darsay Xildhibaanka

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE