Xisbiga Waddani Oo Munaasibada Balaadhan Ku Qabtay Maagala Edmonton Ee caasimadda gobolka Alberta Canada (Sawiro)

Munaasibad qurux badan ayaa Dec 24 keedii ka dhacday magaalada Edmonton ee caasimadda gobolka Alberta-Canada, munaasabadan waxa soo qabanqaabiyey guddida iyo xubnaha xisbiga waddani ee gobolka Alberta oo uu kow kayahay guddomiyaha qabanqaabada maaweelada iyo munasabadaha ee xisbiga waddani Captaign Cabdul, munaasabadan waxa kasoo qayb galay taageerayaal iyo xubna kale oo ka socday xisbiga ucid iyo xisbiga kulmiyaba.

12399109_853050408154595_2127023254_n

Munaasabadan xisbiga waddani ee gobolka Alberta waxay ahayd mid loogu talagalay in lagu kordhiyo dhaqaalaha joogtada ah ee loogu talagalay in uu ku hawl galo xisbiga waddani ee maanta shacabka Somaliland hiigsanayaan inuu noqdo hogaanga dalka ee mustaqbalka dhow.

12404384_853050418154594_1002056451_n

Waxa munaasabadan qiimaha leh ka qaaday heeso wanaagsan oo aad loola dhacay madashana ruxay fanaaniinta kala ah Mawliid (dhagax) iyo Shamis qardajeex oo aad u amaanay xisbiga waddani ee Alberta.

12421619_853050344821268_339067719_n

Waxa barnaamijka quraan kufuray Abdi Ismaciil Waxa madasha hadal kajeediyay Guddomiyaha western Canada, Bashe Elmi,Guddomiyaha Gobolka Alberta Abdikarim Bakal, Guddomiyaha Campaignka waddani ee Canada, Omer Mahdi , Guddomiyaha dhaqaalaha AbdiraxmanFarax(Maraaci),Guddomiyaha garabka haweenka Edmonton Fozia Omer Iyo Axmed Jamac xoghaya western Canada.

12431574_853040994822203_963674916_n

12434497_853050378154598_2045552107_n

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE