Ciidamadda Qaranka Somaliland Heegan Culus ka Galay Xeebaha iyo Buuralayda Galbeedka Gobolka Awdal

Borama(GNN) ciidamadda kala duwan ee Somaliland iyo kuwa Itoobiya ayaa maalmihii ugu danbeeyey Heegan culus kaga jiray xeebaha iyo Buuralayda teedsan Gobolka Awdal, halkaas oo la sheegayo in laga cabsi qabo inay ka soo talaabaan maleeshiyaad aan illaa hada la aqoonsan. Ciidamadda Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay isku balaadhiyeen dhulka xeebta ah ee u dhaxeeya goboladda Salal iyo Awdal si ay isha ugu hayaan maleeshiyo la sheegay in uu qorshahoodu yahay inay ka soo degaan xeebahaasi sidii marar hore u dhacday. Sidoo kale, ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay iyana gaaf-wareegayaan buuralayda ku taala xuduuda Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo la filayo inay ka ilaalinayaan inay ka soo talaabaan Maleeshiyaadka warkoodu soo duulay. Ilaa hada labada Dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya mid kood na kamuu hadal arrinta sheegaysa inay Maleeshiyaad ku soo fool leeyihiin deegaamadaasi, hase yeeshee warkan waxa laga soo sheegayaa deegaamadda looga shaki qabo ee ay joogaan ciidamadda labada Dawladood. Maleeshiyaadka laga shaki qabo inay ka soo degaan xeebta galbeed ee Somaliland waxa loo aanaynayaa inay yihiin kuwa ka tirsan maleeshiyadda ONLF-ta wallow ay dhawr jeer oo hore ka soo dageen, hadana muddo dhawr sano ah hadalkooda lama maqal. Dawladda Itoobiya ayaa heshiis la gashay inta badan mucaaradka ay ka soo jeedaan ONLF-tu, hadana waxa muuqata inay wali jiraan xubno iyo Maleeshiyo ka soo horjeeda Itoobiya, kuwaas oo halistoodu sanadahan danbe yaraatay.

Log1