Daawo: Gashaanti Reer Norway Ah Oo Aaminsan Inay Bisad Tahay Oo Dhakhaatiirtuna Qireen In Hido Sidayaasheedu Sababeen

Oslo, (GNN):- Inta badan wakaaladaha wararka dunida ayaa baahiyay muuqaalka Gabadh Gashaanti ah oo u dhalatay dalka Norway, taas oo aaminsan inay bisad muuqaalka aadamiga leh tahay, laga soo bilaabo afar jirkeedina ay isu haysato bisad muuqaal aadami uun leh.

Gabadhan oo 16-jir ah, laguna Magacaabo Nano, ayaa sidoo kale sheegtay inay muuqaalka bisaaska oo kale samaysato, sida dhegaha iyo dabada dheer, waxa kale oo ay xustay inay mararka qaar ugaadhsato jiirka oo sida bisada oo kale u cunto.

Dhakhaatiirta caafimaadka oo xaalada gabadhan ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid kala dhinaasho Genes-ka jidhkeeda ka mida ahi ku keeneen, taas oo hido sidayaasheedu sabab u noqon karaan.