DAAWO Sawirada: Kulan Balaadhan oo Laanta Bariga London ee Xisbiga Waddani Soo Agaasimeen iyo Waftigii Gudoomiye Ciro oo kala Qaybgalay.

Laanta Bariga London ee Xisbiga Waddani ayaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ku qaabishay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi iyo Wafti oo uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada London.

IMG_4101Laanta Bariga London ee Xisbiga Waddani ayaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ku qaabishay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi iyo Wafti oo uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada London.IMG_3955IMG_3971

Gudoomiyaha iyo Waftiga uu Hogaaminayo oo Kulamo laamaha Waddanka UK la yeelanaya ,ayaa habeenkii arbacada ee Taariikhdu ahayd 06/01/2016 la kulmay Laanta East London ee Xisbiga Waddani oo ka mid ah laamaha ugu firfircoon laamaha Xisbiga Waddani ku leeyahay Waddanka UK. Xafladda ayaa waxa kasoo qayb galay Xubnaha laanta UK.IMG_3999

Masuuliyiinta Qaaradda Yurub,UK iyo Waliba Xubnaha Waftiga oo kala ahaa Xilibaan C/raxmaan Xoog, Dr Faddal iyo Gudoomiyaha Xibiga Waddani isla markaana ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi oo haatan ku jooga Magaalada London Safar Shaqo. Xafladd a oo aan Nooceeda Hore loo arag ayaa gudoomiyaha iyo Waftigiisu aad ula dheceen,iyaga oo si balaadhan uga mahad celiyay,qaabka habsamida ee ay gudida East London Xafladdaa usoo agaasintay,ee ay usoo qaban qaabiyeen,,iyada oo Xafladdu si fiican isugu dheeli tirnayd.IMG_3958IMG_4121

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/aalhi ayaa ka codsaday Xubnaha East London iyo guud ahaan UK in ay ka qayb qaataan Wacyi galinta hadda bilaabantay oo dadka gudaha ku guubaabiyaan in ay is diiwaan galiyaan.IMG_4014

Xafladda Laanta east London ayaa iyadu ahayd mid si weyn ay ula ashqaraareen dhamaan madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxana ay kusoo gabagabawday jawi aad u wanaagsan.IMG_4135

 

Xisbiga Waddani UK.

Waddani MediaIMG_4120 IMG_4121IMG_4123IMG_4125IMG_4126IMG_4128IMG_4130IMG_4131IMG_4133IMG_3942IMG_3961IMG_3966
IMG_3975
IMG_3977IMG_3983IMG_3993IMG_3994IMG_3997IMG_4002IMG_4004IMG_4005
IMG_4027
IMG_4039IMG_4040IMG_4043IMG_4044IMG_4045IMG_4047IMG_4052IMG_4054IMG_4057IMG_4070IMG_4084IMG_4089IMG_4090IMG_4092IMG_4095
IMG_4101
IMG_4102IMG_4107IMG_4108