DAAWO:Xisbiga Wadani oo Ku Soo Bandhigay Buug-Siyaasadeedkiisa Magaalada London + SAWIRADA.

IMG_5065
IMG_5026

imageimageimageimageimageimageimage

23467IMG_5135IMG_5140IMG_5160IMG_5177IMG_5182IMG_5189IMG_5195IMG_5209IMG_5235IMG_5251IMG_5256IMG_5259IMG_5261IMG_5264IMG_5265
IMG_5279
IMG_5288IMG_5290IMG_5291
IMG_5307
IMG_5321IMG_5333IMG_5336IMG_5345IMG_5348IMG_5365IMG_5371IMG_5378IMG_5381IMG_5386IMG_5390IMG_5401IMG_5425IMG_5428IMG_5435IMG_5439IMG_5444IMG_5457IMG_5470IMG_5477IMG_5478IMG_5486IMG_5488unnamed
IMG_5065IMG_5095

Xisbiga Qaranka ee Waddani ayaa Xalay 15th January 2016 ku soo bandhigay Qaarada Yurub Buug-siyaasadeedkii Xisbiga ku maamuli lahaa dalka. Xaflada Daahfurka Buugan oo ka dhacday Magaalada London ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wefti Balaadhan oo uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahmaan Mohamed A/llahi “Ciro”.  Daahfurkii Buugan oo ay ka soo Qayb-galeen Dadweyne iyo Taageerayaal aad u tiro badan ayaa waxaa kaloo Goobta ku sugnaa Ergooyin ka kala yimid Laamaha Xisbiga Waddani ku leeyahay Qaaradan Yurub.

Xisbiga Waddani waxa kale oo uu Buugan ku daahfuray una soo bandhigay Siyaasada Xisbiga ee Qeexan Labada Aqal ee looga Arimiyo Dalkan UK ee House of Common/Lods, Wasaarada Arimaha Dibada UK, Baarlamaanka Yurub iyo Isbahaysiga Waddamada Aqoonsi-doonka ah, si taas la mid ah waxaa Buug-siyaasadeedkan lagu soo bandhigay dhismaha Chatam House ee Dalkan Ingriiska; Waxaa xusid mudan in si weyn loola dhacay Muhiimada Buugani Xambaarsan yahay taasoo ka turjumaysa Aqoonta iyo Bisaylka Xisbiga Waddani iyo Hogaankiisa.

Buug-siyaasadeedkan oo Qabyo-Qoraala ah ayaa weli u furan Cid-walba oo wax-ku dari karta, Waxaana la soo geliyey Qoraalkiisoo dhamaystiran Baraha Warbaahinta oo dhan. Waxaa kaloo xusid mudan in Xisbiga Waddani noqday Xisbigii ugu horeeyey ee Ummaddiisa u soo bandhigay Qorshihiisa siyaasadeed oo Qeexan. Buug-siyaasadeedkan Xisbiga ayaa Xambaarsan Culuun badan iyo Qaabka Xisbigu wax-uga qabanayo Siyaasada Dibada, Shaqo la’aanta, La dagaalanka Jahliga iyo Gaajaa, Cadaalada, Dowlad-wanaaga, Garab-istaagida Haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka laga tirada Badan yahay iyo Qabyo badan oo kale. imageIMG_5022

Xafladan Xalay ka dhacday Hoolkan weyn ee ku yaala Magaalada London waxay muujisay Taageerada iyo Quwada Xisbiga Waddani ku leeyahay Qaarad Yurub iyo Dalkan Ingriiskaba. Waxaan shaki ku jirin in xafladii xalay noqotay mid soo jiidatay Indhaha Caalamka iyo Taageerayaal badan oo Xalayto Goobta kaga dhawaaqay inay ku soo biireen Xisbiga Waddan.

Ugu Dambayna Xisbiga Waddani wuxuu ugu baaqay Shacabka Reer S/land inay Taageeradooda siiyaan Xibiga Cadaalada,Sinaanta iyo Horumarinta ee Waddani; si taa la mid ah wuxuu xisbigu ugu baaqay isbahaysiga Kulmye inay ku soo biiraan Xisbigan Waddani si ay u saxaan Cadaalad-daradii kaga dhacday Xisbigoodii hore.

1unnamedIMG_5039IMG_5044IMG_5048IMG_5049IMG_5050IMG_5053IMG_5055IMG_5058IMG_5063
IMG_5068IMG_5071IMG_5072IMG_5095IMG_5102

Log11