DAAWO:Shir Nabadeed oo Uga Socday Caynabo Beelaha Saraar iyo Buuhoodle oo La Soo Gabagabeeyay.

Caynaba (GNN)- Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay shir nabadeed maalmihii ugu dambeeyay magaaladaasi uga socday beelaha ka soo kala jeeda gobolada Saraar iyo Buuhoodle, waxaana madashaasi laga soo saaray qodobo wax ku ool ah.

Shhirkaasi nabadeed ee beelaha walaalaha ah ee gobolada Buuhoodle iyo Saraar oo gogoshiisa dhigay Suldaan Cabdiraxmaan Qodox Jaamac, ayaa waxaa goob joog ahaa, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Muuse Diiriye, Badhasaabka gobolka Saraar, wasiir ku xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badaha, salaadiinta iyo cuqaal ka soo kala jeeda beelahaasi.

Sheekh Cabdillaahi Baadhe oo ka mid ahaa culimadii shirkaasi ka qaby qaadanayay ayaa madashaasi ka akhriyay qodobadii ka soo baxay shirkaasi waxaanu yidhi “Maanta waxaa halkan lagu soo gabagabeeyay shir nabadeed dhex maray beelaha ka soo kala jeeda deegaanada Saraar iyo Buuhoodle, gogosha la iskugu yimi oo uu dhigay suldaan Cabdiraxmaan Qodox Jaamac iyo beeshiisa Cumar Jibriil, waxaa heshiis iyo is afgarad laga gaadhay dhamaan arrimhii ay beeluhu kala tirsanayeen dhiig iyo dhaqanba.”

“Waxaa la isla qaatay nabad iyo in laga walaaloobo wixii dhibaatooyin ahaa ee beelaha dhex maray mid hore iyo mid dambeba, waxaa goobta shirku ka dhacay lagu kala qaatay aaska iyo furka lix marxuum oo ku kala maqan beelaha Cumar Jibriil, Wacays Aadan, Cali Barre, Samakaab Axmed, Caafi Baale iyo Muuse Baale. Waxa kale oo iyana intaa wehelisa beelaha Hayaag, Cali Maxamed iyo Cali Barre in ay hore aaska u kala qaateen, maantana ay odayaashoodi ku sugan yihiin madasha,” ayaa lagu yidhi bayaanka qodobada shirkaasi laga soo saaray ee madasha laga akhriyay, waxaanu intaa ku daray bayaanku “Qodobka saddexaad waxaa loo muddeeyay in shan iyo tobanka bisha todobaad ee sannadkan la isugu keeno beelahan oo lagu kala qaato magaha sagaal nin oo beelahan siddeeda ah u kala maqan.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye, Badhasaabka gobolka Saraar, wasiir ku xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badaha, salaadiinta iyo cuqaal ka soo kala jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Caynaba, ayaa dhamaantood soo dhaweeyay shirkaasi nabadeed iyo qodobada wax ku oolka ah ee laga soo saaray, waxaanay u mahad naqeen suldaan Cabdiraxmaan Qodox Jaamac oo isagu fidiyay gogoshaasi nabadeed.

 

Log11