DAAWO:Taariikhda Dhacdada Inqilaabkii 1961, Magacyadda Iyo Darajadda Saraakiishii Ka Qayb-qaadatay.

Hargeysa(GNN)- Saraakiishii kasoo jeeday goboladii waqooyi ee sanad kadib xoriyaddii 1960kii sameeyey 09.12.1961 inqilaabkii uu sababay midowgii aan dariiq caddaaladeed iyo wax wada lahaanshaha loo marini, waxa ay ka koobnaayeen sida uu ka sheekeeyey Cabillaahi Cabdi Faarax “Dayr” oo kamid ahaa saraakiishaasi 23 Sarkaal oo ka kala socday dhamaan degaamada uu ka koobnaa dhulweynihii British Somaliland oo ramaasnews idiinka diyaarisay qormadan.

Cabdillaahi “Dayr” oo muddo sii horeysay taariikhda inqilaabka uga waramay telefishanka qaranka Somaliland, waxa ay ka koobnaayeen sidan hoose:

  1. Xasan Cabdillaahi Walanwal “Xasan Kayd” darajadiisu Laba Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Burco.
  2. Cabdillaahi Aadan “Cabdillaahi Kongo” darajadiisu Laba Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Hargeysa.
  3. Muxumed Cabdillaahi Rooble “Muxumed Awr” darajadiisu Laba Xidigle waxa uu kasoo jeeday Berbera.
  4. Cabdillaahi Siciid Caabi Xidigle “Shahiiday” darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Hargeysa
  5. Maxamed Cabdiraxmaan X Jaamac. “Luggooyo” darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Degmada Sheekh.
  6. Cawil Cali Ducaale darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeedaa Hargeysa.
  7. Maxamed Maxamuud Bidixle darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Hargeysa.
  8. Faysal X. Jaamac Geedi darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Burco.
  9. Daa’uud Cali Yaxye darajadiisu Xiddigle, waxa uu ahaa Carab reer Boorama ah.
  10. Siciid Cali Giir darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Laascaanood.

Saraakiishan hoose waxa ay ahaayeen Xiddigleyaal markaas uun ka yimi tababarkii sarkaalnimo ee Ingiriiska oo iyaga oo aan weli direys xidhan ka qayb galay inqilaabka:

  1. Cabdillaahi Cabdi Faarax “Dayr” darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeedaa Hargeysa.
  2. Xusseen Maxamed Bullaale “Dakhare” darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeda Hargeysa.
  3. Maxamed Maxamuud Raage darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Berbera.
  4. Yuusuf Axmed Kibaar darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Gabiley.
  5. Maxamed Warsame darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Boorama.
  6. Cabdi Yuusuf darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeedaa Hargeysa.
  7. Maxamuud Sh. Muuse darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeedaa Degmada Sheekh.
  8. Axmed X. Diiriye darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Burco.
  9. Cali Haaruun darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeedaa Burco.
  10. Siciid Oogle darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeedaa Burco.
  11. Cabdi Dhalac Cabdi darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Laascaanood.
  12. Cabdikariim Cashuur darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Laasqoray.
  13. Cabdi Cali Xusseen “Cabdi Xabashi” darajadiisu Xiddigle, waxa uu kasoo jeeday Jig-jiga.

Waxa aanu qormadan usoo qaadanay kadib, markii aanu ogaanay in aanay jiilasha da’da yari wax badan ka ogayn taariikhda iyo magacyadda saraakiishan oo ahaa shakhsiyaadkii ugu horeeyey ee ka dhiidhiyey xornimadoodii soof-daran habowday.

 

 

Log1