Dowladda somaliland Oo Xukun Qisaas ah Saaka Ku fulisay Gabadhii Dishay Ruqiya Siciid Ayaanle iyo wiil ay dhashay .

Deegaanka Mandheera ee gobolka saaxil waxaa saaka lagu toogtay Gabadh magaaladda Hargeysa ee Caasimada somaliland ku dishay isla markaasna nolosha ku aastay qof dumar ah oo kale

oo lagu magacaabi jiray Ruqiya Siciid ayaanle iyo wiil ay dhashay gabadha wax dishay oo falkaasi foolxun ku wehelinayay .

Ciidanka Amaanka ayaa saaka goob Fagaare ah oo ay joogeen eheladda Ruqiya Siciid ayaanle ku toogtay gabadhaasi deegaanka Mandheera ee gobolka saaxil .
sidda uu Batalaalenews u xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo yihiin Ruqiya siciid Ayaanle .

 

Gabiley.Net