Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Ayaa Dhaariyay Xildhibaan Cusub Oo Ku Soo Biiray Golaha Guurtidda‏ Somaliland

Hargeysa(GNN)Janauary-Mudane Axmed C/llahi Cali Xuseen ayaa maanta loo dhaariyay inuu ka mid noqdo Golaha Guurtida Somaliland. Sida wax lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Maxkamadda Sare. kaas oo u dhigna sidan

HH

Ujeedo: Dhaarin Mudane.
Tixraaca sumadeedu tahay CG/JSL/10/01/2016 Ee ku taariikhaysan 23/01/2016,kuna saabsan buuxin xubin ka Banaanaatay Golaha guurtida ee uu noosoo qoray Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL.
Guddoomiyaha maxkamadda sare: waxaa uu manta oo ay taariikhdtu tahay 24/01/2016 ku dhaariyay mudane Axmed C/llahi Cali Xuseen Dhaarta Ku xusan Qodobka 129 aad ee Dastuurka JSL, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2016. Saacaduna tahay 09:50 wuxuu ka mid noqonayaa Mudanayaasha Golaha Guurtidda JSL.

ALLAA MAHAD LEH.
Prof: Aadam X. Cali Axmed
Gudoomiyaha maxkamadda sare JSL.