Halgamadii EPLF(Eritrea), SNM(Somaliland) iyo is-bedelkii siyaasadeed ee Geeska Afrika,1991 Qeybtii 1-aad..

 Sanadkii 1991, waxa geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa, colaad qarniyo jirsatayna ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo ka talinayey wadamada Ethiopia iyo Soomaaliya waxa muddo dheer soo kale hogaaminayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkooda sabab u ahaa jabhadiihii dagaalka hubeysnaa la galey ee ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981.

Maanta, rubuc qarni ku dhawaad kadib juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 wadan, halka 1991 ka hor ay ahaayeen 3 wadan. Haddaba su’aalaha la isweydiin karo ayaa ah : maxaa keeney in jabhadii EPLF ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi?, iyadoo aynu ogsoonnahey in Wadanka Eritrea u maanta ka mid yahey Beesha Caalamka, halka Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhalatey halgankii SNM ay wali baadigoob ugu jirto aqoonsi siyaasadeed oo ay Beesha Caalamka ka hesho? Ma jidkii EPLF hadafkeeda u martaa saxsanaa? ma kii SNM baa qaldanaa? ma arrima kala Jira? xaalkuu waas sidee?

Si aynu su’aalahaa uga jawaabno waxa aynu marka hore guud mari doona Halgankii EPLF siduu ku bilaabmey, marxaladihii u soo marey iyo siduu hadafkiisii ku gaadhey. Waxa kale oo aynu si qoto dheer u eegi doona Halgankii SNM siduu ku bilaabmey, muxuu ahaa hadafkiisa dhabta ah, marxaladihii u soo marey, guushii SNM hantiday siday u maareysay sanadahii 1991 ila 1993, Doorashadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal(AHN), bilowgii dhismaha Haykal Dawladeed, Doorashadii Daahir Riyaale iyo xulufadiisii, guushii xisbiga Kulmiye hantiyey badhatamihii sanadkii 2010, dib u soo noolaashadii himilidii shacabka Reer Somaliland iyo xaaladaha siyaasadeed ee Maanta ay ku sugan yihiin wadamada Gesska Afrika( Eritrea, Somaliland, Ethiopia iyo Soomaaliya).

Inagoo ka jawaabeyna su’aalahaa kor ku xusan aynu ku horeyno halgankii EPFL iyo guushi u hantiyey 1991, kadib burburkii Xukuumadii Mengiste Haile Maryam ee Ethiopia.

Wadanka Ethiopia wuxuu ka mid yahey labada wadan ee qaarada Afrika aan soo marin guumeysi, marka laga tago 4 sano oo rejiimkii fashista ahaa ee Mussoloni ku qabsadey Ethiopia, wakhtigii dagaalkii labaad ee Dunidu socday. Waxa kaloo Wadanka Ethiopia Taariiqda Dunida Diwaankan ugu jira in u lahaa ciidankii ugu horeeyey Afrikaan ah ee ka guuleysta Ciidan cadaan ah ee qaarada Europe. Sanadkii 1952 wadamadii ku guuleystey dagaalkii labaad ee Dunida waxey hadiyad Ethiopia u siiyey wadankii Talyaanigu gumeystey ee Eritrea. Toban sano kadib 1962 waxa bilaamey dhaq-dhaqaaqi xoriyad doonka Eritrea oo u hormood ka ahaa ururkii la baxey ELF(Eritrean Liberation Front).

Haddaba sida caadada u ah urur kasta oo xoriyad doon ah wuxuu soo maraa marxalado kala duwan, tiiyo mararka qaarna dhacdo in hadafkii ururka loo asaasaey lumo, halkaana dha-dhaqaaqi ku basbeelo. Nasiib daro ELF kamuu badbaadin carqaladaha lasoo darsa ururada Xoriyad doonka, waxaana sanadkii 1970 ELF dhexdiisa ka qarxey khilaaf xoogan oo soo kala dhex galey madaxdii Ururka. Khilaafkaas oo salka ku hayey jidka xoreynta wadanka loo marayo iyo waxa laga yeelayo codsi xukuumadii Ethiopia ee Boqor Haile Selasi ka yimi oo ku saabsanaa in wadahadal dagaalka lagu soo afjaro. Khilaafaas, ELF ka dhex dhashey waxaa kala hogaaminayey Godoomiyaha Ururka, Hamid Idris Awate iyo Isaias Afwerki.  Khilaafkii siyaasadeed oo xal loo wayey ayaa ugu dambeyntii keeney in loo kala jabo laba garab, ELF garabkii hore u jirey iyo garab cusub oo la baxey EPLF, hogaamiyena loo doortey Isaias Afwerki. Nasiib daro waxa labadii garab ee ELF iyo EPLF ka dhex qarxey dagaal aad loogu hoobtey, xoreyntii wadankana dib u dhac ku keeney. Dagaalkii labada garab oo in ka badan 10 sano socday ayaa 1981 lasoo afjarey kadib markii EPLF ee Isaias Afwerki hogaaminayey milateri ahaan iyo siyaasiyanba guuleystey. Guushi EPLF kadib waxa la dardar geliyey hadafkii guud ee ahaa xoreynta Wadanka mar haddi garabkii wadahadalka rabey loo awood sheegtey, lana tirtirey dhamaantii.

Khilaafkii siyaasadeed markii awood milateri lagu xaliyey, lana kala adkaadey waxa fududaatey in sanadkii 1991 bishii shanaad Wadankii la xoreyo kadib markii Xukuumadii Mengeste Haile Maryam burburtey. Haddaba waxa la odhan karo aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea heshey 1993, inkastoo arrima “Geopolitic” ah saameyn weyn ku lahaayeen, haddana waxa sii fududeyey khilaaf la’aantii wadanka lagu soo galey, madax mideysan oo mucaarid ka daba qeylya laheyn iyo shacab u hogaansan awaamirta la siiyo.

Maanta 2015, inkastoo Wadanka Eritrea beesha caalamka ka tirsanyahey, haddana waa wadan aaney ka jirin Dimuqraadiyad, waxaana malinwalba lagu tuntaa Xuquugal insaanka. Wadanku ma leh warbaahin madax banaan, maalintii la xoreyey ilaa maantana doorasho iyo isbel siyaasadeed kama dhicin, waxaana wali talada Dalku gacan bir ah ku haya Halgamaagii hogaaminayey ururkii wadanka xoreeyey, Isaias Afwerki. Inkastoo shacabka Eritrea dhibaatooyin badan daris la yihiin, fikirkoodana aaney si xor ah u cabiri karin haddana dhaqaalaha wadanka waxa ka muuqda koboc isasoo taraya, maamulka dawaladuna si buuxda ayuu uga shaqeeyaa guud ahaan wadanka oo dhan, haba iska itaal daraadee.

Horaantii sanadkii 1991Gobaladii Waqooyi ee wadankii Soomaliya ayaa si buuxda gacanta ugu galey ururkii SNM kadib markii 27-01-1991 Xukuumadii uu hogaaminayey General Maxamed Siyaad Barre burburtey. Haddaba, go’aankii ka soo baxey 18-May 1991 shirweynihii Beelaha Waqooyi Soomaaliya ee magaalada Burco ka dhacey ee la soo noqoshadii madax banaanidii Somaliland ayaa fajiciso siyaasadeed ku noqdey khuburada Siyaasada Geeska Afrika ka faalooda maadaama ay khuburadaas ka war hayeen hadafka guud ee madaxdii kala duwaneyd ee soo hogaamisey Ururkii SNM intii halganku socdey, hadafkaas oo aan marna qorshuhu aheyn lasoo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland. Haddaba maxey ahayd ujeedadii loo asaasey ururkii la magac baxey SNM?,
La soco qeybta 2-aad: maareytii guushii SNM hantiday sanadihii 1991 ilaa 1993.
Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Ciro
Brussel
Belgium
mederka@hotmail.com