Hambalyo iyo Bogaadin ku socota Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Jamhuriyada Somaliland

Gabiley(GNN)Haweenwaynaha Kala Duwan ee Ku Dhaqan Magalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley waxay Tahniyad, Bogaadin iyo Ducaba u Gudbinayaan Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Jamhuriyada Somaliland Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo Madxwaynaha Somaliland u Magcabay Jagadaasi

index
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhamaan Haweenwaynahaasi Waxay Illhay Uga Baryeen inuu illhay Ku Asturo Xilkaasi Waxayna Sheegeen in Ay U Qalanto islamrkaana Hanankarto Xilkani Midkale oo Ka Sareeyaba .

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE