Muwaadin Madaxweyne Siilaanyo Gudoonsiiyey kalendar Uu Gacantiisa Ku Sameeyey oo uu Ku Xardhay Arimo Farxad Galiyey Somaliland + Saawiro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kulan gaar ah Madaxtooyada ku qaabilay Xubno ka socday Qoyska reer Sheekeeye oo ahaa shaqsi caan ah Xubnahaasi kulanka la qaatay Madaxweynaha oo uu hormuud ka ahaa Eng Maxamed Xasan Sheekeeye ayaa waxa uu madaxweynaha gudoonsiiye Calendar uu gacantiisa ku sameeyey kaasi oo ay ku xardhanaayeen waxqabadka Xukuumada iyo sidoo kale Guulaha Jamhuuriyada Somaliland
Xubnaha Qoyskan Ayaa Sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay qaar ka mid ah golaha Wasiirada Somaliland kuwaasi oo ku soo dhamadaay is-afgarad Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook dhigay Siciid Sheekeeye oo ah Qoyska Madaxweynuhu shalay la kulmay ayaa waxa uu ku yidhi sidan
“Kulan ay wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed mahamed Mahamuud iyo Hassan Sheekeye Family. oo ka dhacay maanta oo bishu tahay 05/01/16 qasriga madaxtooyada.
Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah aadna loogu diirsaday waxa uu gabagabadii Eng.Mahamed Hassan sheekeeye gudoonsiiyay madaxweynaha calendar ah 2016 uu gacantiisa ugu sameeyay madaxweynaha si gaar ah kana turjumaya waxqabadkii xukuumada mudadii uu xilka hayey madaxweynuhu..
Sidoo kale waxa kulamo goosgoos ah wada galeen sheekeeye family iyo xubno wasiiro ah kulamadaas oo dhamaan farxad iyo sharaf ku wada dhamaaday.” AYuu Hadalkiisa ku soo afmeeray Siciid Sheekeeye

Log1