Labada Gudoomiye Ee Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Maanta Si Wada Jira Qayla-Dhaan Uga Soo Saaray Abaaraha Ku Habsaday Qaar Kamida Gobolada Somaliland

labada gudoomiye ee xisbiyada kulmiye iyo wadani ayaa maanta si wada jira waxay baaq uga soo saareen abaaraha ka jira qaybo kamida gobolada somaliland

labada gudoomiye ee xisbiyada kulmiye iyo wadani ayaa maanta si wada jira waxay baaq uga soo saareen abaaraha ka jira qaybo kamida gobolada somaliland
waxaanay sheegen in ay gobolada somaliland ee bari iyo galbeedba ay ka jiraan abaaro aad u ba,an kuwaas oo waxyeelo baahsan u gaystay dadka iyo duunyada ku nool deegaanadaas isla markaana loo baahanyahay in loo gurmado dadkaa ay abaaruhu saameeyeen waxaanay yidhaahdeen.
marka hore waxaanu ilaahay uga baryaynaa in alle inaga soo jabiyo abaaraha saameeyay bariga iyo galbeedka gobolada somaliland taas oo aan oo meelaha qaar gaadhay in ay abaarhu ka jireen mudo 2 sano ah taas oo keentay in dadkii ka qaxaan deegaano badan oo ay degaan u ahaayeen halkaas oo ay u hayaameen meelo kale oo aanay deegaan la,ahayn
waxaana bulshada reer somaliland looga baahanyahay in si walaaltinimo iyo wax wada la haansho ku jirto loogu gurmado dadka ay saameeyeen abaaruhu
hadaba xukuumada ganacsatada Iyo Qurba Jooga Reer Somaliland waxaan ku baraarujinaynaa in aanay abaarahaas sahlan waayo meel walba waxaa daadsan meydadka xoolaha kuwaas oo ay dadkii lahaayeena haysan dhaqaale ku filan,
waxaanay intaa ku dareen in deegaanada ay abaaruhu saameeyen ay sii kala daran yihiin isla markaana cidii wax ka gaysan kartaaba ay u hurto waxay u heli karayaan si ay aakhiro ugu liibaanan
wabilaahi tawfiiq
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdirahmaan Ciro
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi