Shaqaale Ka Kala Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Iyo Shirkadda Somtel Oo Ciidanka Itoobiya Ka Qabteen Xadka.

Wajaale(GNN):–Dhawr qof oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka oo qayb ka ah kooxo loo kala diray soo tira koobidda shaqaalaha wasaaradda ee deegaamadda dalka oo loo diray aagga Farawayne, Salaxley iyo jiidaha la xidhiidha ayaa shalay ciidamadda amaanka Itoobiya qabteen, sidoo kale farsamayaqaano iyo hawlwadeeno ka tirsan shirkadda Somtel oo hawl farsamo loogu diray deegaan ka mid ah degmadda Sabawanaag ayaa iyana la sheegay inay taxaabeen ciidan Itoobiyaan ahi.

Mid ka mid ah waalidiinta shaqaalahaa wasaaradda caafimaadka ka tirsan ee la qabtay ayaa u sheegtay Ogaal in inanteeda oo ka mid ah shaqaalahaasi ay la soo hadashay abaara 11:00 maalinimo una sheegtay in

ciidan Itoobiyaan ahi qabtay.

Hooyo Khadra Cabdillaahi waxay intaa ku dartay in mar kale casarkii laga soo hadlay magaaladda Harta Sheekha ee Itoobiya, isla markaana waxay xustay in nin halkaa kala soo hadlay u sheegay in shaqaalahaa la keenay Harta Sheekha, raashinna ay u geeyeen, lana filayo in loo sii dhaadhicin doono dhinaca Jigjiga.

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye oo aanu khadka telefoonka xalay fiidkii wax kaga waydiinay dhacdadaa ayaa sheegay inay jirto in shaqaalahaa la qabtay, isla markaana wuxuu xusay inay dawlad ahaan ku jiraan hawshii furdaamintooda. Wuxuu intaa ku daray in shaqaalahaasi qayb ka ahaayeen kooxo loo kala diray dalka oo soo samaynayay tirakoob la xidhiidha shaqaalaha.

Ma cadda halka laga qabtay shaqaalahan wasaaradda caafimaadka, warar is khilaafsan oo ka soo yeedhay illa wareedyo kala duwanina, qaarkood waxay tibaaxeen in aanay ka talaabin xadka ee ciidanka Itoobiya uu ka qabtay gudaha Somaliland, halka qaar kalena ka tilmaameen in shaqaalahaasi ambadeen galleenna gudaha Itoobiya sidaana lagu qabtay.

Dhinaca kale Injineer, darawalkiisii iyo hawlwadeen kale oo ka tirsan shirkadda isgaadhsiinta Somtel ayaa la sheegay in iyana ciidanka ilaaladda xuduudka ee Itoobiya qabteen. Lama sheegin sida loo qabtay nimankaa oo la sheegay in hawl loogu diray tuuladda Kaam Gaas oo ka tirsan degmadda Sabawanaag, hase ahaatee illo wareedyo ayaa Ogaal u sheegay in lagu qabtay habeen hore tuuladda Higladda oo u dhaxaysa Qool Buulale iyo Lebisagaalo oo ka tirsan degmadda Sabawanaag. Ilahaasi siday tibaaxeen waxay inay ka lumeen dariiqii ay u mari lahaayeen halkii ay ku socdeen, isla markaana ay taasi sababtay qabashadooda, halka illo wareedyo kalena tibaaxeen in laga qabtay gudaha Somaliland.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in markii hore la geeyay shaqaalaha Somtel dhanka Itoobiya ee degsiimadda Lebisagaalo, balse loo badinayo in markii dambe loo qaaday dhinaca degmadda Darroor.

Ma jiraan warar madax banaan oo la xidhiidha dhacdooyinkaa iyo sida mid waliba u dhacay oo ka soo baxay dhinacyada ay khusayso ee labada dhinac.

Xigasho Wargeyska Ogaal