Shirkii Wada-tashiga Somaliya oo maanta ka furmay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Waxaa Goor-dhow ka Furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Shirka Wada-tashiga somaliya oo ah mid looga tashanayo qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka dhammaadkiisa.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmauud iyo dhammaan madaxweynayaash maamul-goboleedyada Somaliya, iyagoo hadalladooda uu u badnaa salaan iyo mahad-celin.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid Soomaalidu ay isugu timid; ayna uga tashanayaan aayaha dalkooda, wuxuuna ku daray intaas in shirkan uu yahay guul u soo hayatay Somaaliya.

Waxaa kaloo furitaanka shirkaan ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo sheegay in shirkan looga tashan doono aayaha Somaliya iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Dhanka kale, waxaa hadlay madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo dhamaantood sheegay in shirkan ay ku go’aaminayaan doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, furitaanka shirka kaddib ayaa waxaa lagu wadaa inmas’uuliyiinta ka qayb-galaysa ay kulammo gooni-gooni ah ku yeeshaan guriga martida Kismaayo; kulammadaas oo aanay goobjoog ka noqon doonin saxaafadda.

Log11