Somaliya Oo Ka Qayb Galaysa Shir Ay Isugu Imanayaan Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Ka Dhacaya Dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

S3(68).jpg

Gudoomiye Jawaari iyo Wafdiga uu hogaaminayo waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad dhigiisa dalkaasi, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Ciraaq iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi .

S5(40).jpg

Gudoomiyaha ayaa shir ay isugu imanayaan ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay xubin ka tahay kaga qayb geli doona halkaas.

Magaalada Baghdad horey waxaa ugu sugnaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayadoo sidoo kalena ay hada socdaan shirarkii guddiyada kuwaasi oo
lagu diyaarin doono ajandayaasha shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka.

S6(34).jpg

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeedin doona shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka PUIC oo rasmi u bilaaban doona 24ka bishan January 2016 insha Allah.